berberatoday.com
“Ujeedada Sool La Ii Geeyay Waa In Aan Fuliyo Siyaasadda Dawladda, Awdalna Waxa Walaaqaya Siyaasiyiin”Gudoomiye Ramaax Cali Hayste
August 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Badhasaabkii hore ee gobolka awdal ahna badhasaabka cusub ee laascaanood Maxamed Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka awdal oo jooga Hargeysa ay waddaan olole ay ku baayactaan. Islamarkaanna wuxuu sheegay in magacaabida gobolka Sool tahay in aan fuliyo siyaasadda xukuumadda.

Ramaax wuxuu sidaa ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay magaaladda Hargeysa, waxaanu ugu horayn uga mahadceliyay Madaxweynaha magacaabidda uu ugu bedelay gobolka Sool“Marka horre waxaan hambalyaynayaa Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ee xilkan cusub iigmadday in aan taggo gobolka Laascaannood, aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa.”Ayuu yidhi Ramaax

Sidoo kale, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in gobolka awdal ay walaaqayaan siyaasiyiin joogga hargeysa “Gobolka waad ka warhaysa markii la I geeyay siduu ahaa, maanta siduu yahayna waad ka warhaysaan, ilaahaybaan ugu mahadnaqaya oo wannaag baan ku oghay, xumaan taalla ma jirto, dadkunna wuu isku iman karraa waxna waa la isweydiin karaa, maaha in sas laga sameeyo, mar walba in umadda barobagaando laga sameeyo iyo waxaan jirin umadda laga sameeyo, waa gobol runtii aad iyo aad u qiimo badan, gobolka Awdal  odayaal dhaqan oo fiican buu leeyahay. Marka laga reebo dhawr siyaasi oo had iyo jeer is-yidhaahda ku baayactama oo iyagu olole galiya oo hargeysa joogga waliba. Laakiin waxaas oo dhan waxaan kaga hadli doonna maalinta xil-wareejinta.”ayuu yidhi Ramaax

Dhinaca kale, Ramaax wuxuu sheegay in aad ugu qanacsan-yahay gobolka Sool islamarkaanna shacabka gobolka ka filayo soo dhawayn wanaagsan iyo wadda-shaqayn fiican“Shacabku waa shacabkaygii oo waannu is-hurannahay, horrenna annigu nin reer beri ah baan ahay, Sool iyo Burco-na waxba ma kala duwanna, anniguba reer burco-baan ahay. Marka waxaan ka filaya wannaag, wannaagii aan goboladda kaleba kala kulmay, waayo dadka reer Somaliland waa isku wadda-dhaqan waa dad runtii aad iyo aad u xariira, marka waxaan filaya hawlihii aan goboladda kale kala kulmay. In la fuliyo waajibaadka lagu igmadayna waa waajib oo halka ilaahayna way ka tahay, halka xukuumaddii ku igmatayna way ka tahay in lagu ad-adkaado sharcigga, wannaaga iyo horumarinta , annigga sharaf bay ii tahay meel walba waannu isla fahanna. Waayo ujeedada meesha la iigaynayo waxa weeye in aan fuliyo siyaasadda xukuumadda oo ah in waxyaabaha nolosha aas-aasigga u ah wax laga qabto, nabadna la ilaaliyo. Marka runtii waa laga yaaba dad siyaabo kale u turjuntaan oo taasinna waxaan qaba inay tahay ta dadka isku kaayo keentay.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews