berberatoday.com
Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Marxuum Maxamed Faarax Xirsi Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
August 29, 2016 - Written by Berbera Today

Marxuum Maxamed Faarax XirsiHargeysa(Berberatoday.com)-Inaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun.Alle ha unaxariiste waxa maanta duhurkii ku geeriyooday Hargeysa Agaasimihii Guud ee Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Marxuum Maxamed Faarax Xirsi, 

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ugeeriyooday xanuun kusoo booday oo isla maanta duhurkii halaalay, waxaana La sheegay in Marxuumka wadmuhu istagaay isaga oo shaqada kasoo rawaxay wax xanuuna oo uu qabayna aanay jirin balse geeridiisu ahayd mid deg deg ah oo kusoo booday.

Alle ha Unaxariistii Marxuum Maxamed Faarax Xirsi ayaa Agaasime guud kasoo noqday wasaaradaha Duuslista Hawada, Deegaanka iyo Shaqada Arimaha Bulshada waxaanu Marxuumku kamid ahaa asaasayaashii Xisbiga Kulmiye ee dhidibada utaagay halganka dheerna usoo maray sidii uu Xisbiga Kulmiye hogaanka dalka uhanan lahaa. 

Marxuumka ayaa shaqada agaasimaha guud ee wasaaradahaas hayay ila intii xukunka dalka uu hayay Xisbiga Kulmiye isaga oo sadexdaa wasaaradoodba soo maray.

Alle Ha Unaxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi ayaa kamid ahaa Masuuliyiinta Sumcada, Karaamada iyo qadarinta ku leh Gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan kasoo jeeday isagoona ku suntanaa masuuliyiinta shaqadooda sida wanaagsan uguta ee aan ku milmin ololaha xukumada iyo Beesha uu kasoo jeeda Laysugu keenayo kana fayoobaa Waligiina aan lagu arag isaga oo arimahaas ka shaqaynaya balse ahaa shaqsi si hufnaani ka muuqato waajibaadkiisa shaqo ugudan jiray 

Bahda Shabakada Wararka ee Berberatoday.com waxa ay Qaranka Somaliland ka tacsiyaynaysaa Geerida Naxdinta leh ee kutimi Agaasimihii Guud ee wasaarada Shaqada Iyo arimaha Bulshada Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ahaa shaqsiyada akhlaaq iyo wanaag ilaahay ku manaystay oo afgaaban edeb iyo aqoona udhashay. Tacsi Gaara waxa aanu udiray qoyskii iyo eheladii uu Marxuumku ka Geeriyooday anaga oo ilaahayna uga baryayna inuu Marxuumka Janadii Fardawsa Kitaabkiisana Midigta Kasiiyo Ehelkiisii iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan Saadiqa ka Siiyo aamin aamin

Inaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews