Bulshada Ku Dhaqan Degmada Ceel Huur Oo Katirsan Hobyo Oo Ka Cabanaya Ciid(Bacaad)Guuraya oo Guryihii Ka Aasay Iyo Gurmad Ay Dalbadeen
August 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hobyo(Berberatoday.com)-dadweynaha ku nool deegaanka ceel-huur oo ka tirsan degmada Hobyo waxay ka cabanayaan bacaad farabadan oo dhawrkii sano ee ugu dambeeyey kusii kordhaayey deegaankaas, waxaana hadda laga cabsi qabaa in degmadaas oo dhan looga guuro bacaadka dartiis.
MAGACAYGU WAA ABDIRAXMAAN MAXAMUUD MAXAMED
waaad arkaysaan inaan saakay ka shaqaynayno bacaad ka qaadista guryo ay deganyihiin Qoysas danyar ah oo ku abaalmay bacaadka, sidaas darteed waaan ka codsanaynaa dadka deegaan, maamulka iyo hay’adaha inay usoo gurmadaan deegaanka Ceelhuur oo ah deegaan ay dhibaatooyin farabadani soo wajaheen.

MAGACAYGU WAA xALIIMO MAxAMED CILMI.
waxaa na haysta bacaad aad u farabadan, waxaa nahaysta biyo la’aan, guri walba waa duugmay, sadex mar ayaan ka guurnay meeshaan deganayn, haddeerna waxaan ku sigannahay inaan markii afraad guurno, Aduunka waxaan u sheegeynaa inaa nahay dad dhibban oo gurmad u baahan.
MAGACAYGU WAA BIYOOD MAxAMED CILMI.
haddaan nahay umadda Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka Ceel-huur waxaan codsanaynaa in si deg deg ah na looku soo gurmado, Galmudug waxaan ka codsanaynaa inay si deg deg ah noogu timaaddo oo ay wax ka ogaato dhibaatada na haysa.”””””””””””.
Sidookale waxaan tegey iskuulka Hoose iyo dhexe ee Ceel-huur, halkaas oo kamida meelaha uu bacaadku duugay, waaan halkaas kula kulmay qaar kamida ardayda wax ka barata iskuulkaas oo iiga warramay dhibaatada ay ku qabaan bacaadka.
MAGACAYGU WAA MAYMUUN AxMED SALAAD, WAxAAN KA MID AHAY ARDAYDA WAx KA BARATA ISKUULKA CEEL-HUUR.
sidaad u jeedidba iskuulkeennii waa duugmay.
MAGACAYGU WAA SAALAX NUUR MAXAMED, WAXAAN KA MID AHAY ARDAYDA ISKUULKA CEEL=HUUR.
ilaa iyo intii aan iskuulka dhiganayney waxaan ku jirnay bacaadcelin, subax kasta iyo Galab kasta Gacmaheenna ayaan ku Qodnaa.