Laanta Xisbiga Kulmiye ee Jarmalka oo Siwayn ugu Diyaar garawday Marti Galinta Shirwaynaha Seddexaad ee Laamaha Qaarada Yurub ee Xisbiga oo lagu Qabanayo Magaalada Kassel ee Dalka Germany.
August 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Laanta Xisbiga Kulmiye ee Jarmalka oo Siwayn ugu Diyaar garawday Marti Galinta Shirwaynaha Seddexaad ee Laamaha Qaarada Yurub ee Xisbiga oo lagu Qabanayo Magaalada Kassel ee Dalka Germany.
Kassel (berberatoday.com—)-Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Dalka Germany ayaa Mudooyinka Danbe si Wayn ugu Mashquulsan una Diyaar Garoobay Marti galinta Shirwaynaha Seddexaad ee Laamaha Xisbiga Kulmiye ee Dalalka Yurub oo Sannadkan lagu Qabanayo Magaalada Kassel ee Badhtamaha Dalka Germany sida uu Haldoornews u Xaqiijiyay Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Boqor C/raxmaan C/laahi Dhul-dile oo Shirwaynahaasi ka Balan Qaaday Shirkii labaad ee Xisbiga ee ka Dhacay Magaalada Helisinki ee Wadanka Finland.
Hogaankii Cusbaa ee Xisbiga Kulmiye ee Dalkan Jarmalka oo Dhawaan la Doortay ayaa Bilaabay Dardar galinta Xisbiga Kulmiye iyo Xidhiidhada Laamaha Xisbiga ee dalalka Yurub, kuwaasi oo Muddo Kooban oo ay jireen Muujiyay Waxqabad Bar Bilaw unoqon kara Horusocod Wanaagsan oo Laantani ku Talaabsatay.
Hogaanka Kulmiye ee Germany ayaa ku Hawlan sidii Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Wadankani Kaalin Muuqata uga qaadan lahaayeen Dhaqaalaha Xisbigu ku galayo Kaambaynka Doorashooyinka la Filayo inay Somaliland ka Qabsoomaan 2017-ka iyaga oo Gobolada Wadanka uqaybsaday sidii Gobol waliba Gaarkiisa umuujin lahaa Awooda Taageero ee uu la Garab istaagayo Xisbiga .
Shirwaynaha Seddexaad ee Laamaha Xisbiga Kulmiye ayaa Daba Socda laba Shir oo hore uga Dhacay Wadamada Scandinavian-ka kuwaasi lagaga Arinsanayo Sidii Laamaha Qurbuhu Kaalintoodii uga qaadan lahaayeen Taageerada Xisbiga Kulmiye iyaga oo Isku Duuban, si Waxqabad muuqda Wadajir ay uga Gaystaan Ololaha Doorashooyinka ee Xisbigu Waajihi Doono Sanadka 2017-ka , Waxaanay isu Diyaarinayaan sidii Xisbul Xaakimku mar labaad Talada Dalka ugu soo Noqon lahaa Maadaama oo la Mahadiyay Muddadii uu Xilka hayay Waxqabadka uu Muujiyay.