berberatoday.com
Marwo Reer Gabiley Ah Oo Banaanka Soo Dhigtay Xogo Iyo Macluumaad Sir ah Oo Ay Ka Haysay Khadra Xaji Gaydh
August 29, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

KhadraGaydh Naow
Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Now ee Gobolka Gabiley Haweeya Cabdi Kahin ayaa ka hadashay faro galin ay sheegtay in ay ku hayso agaasimaha madaxtoyadda somaliland khadra xaji gaydh oo kala garan wayday xilka ay qaranka u hayso iyo ururka Haweenka Qaranka Now ee Gobolka Gabiley.

Marwo Haweeya ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladeedii “ Halkaad joogtaa waa madaxtooyadii waa halkii Somaliland ugu saraysay waxaad garan laadahay kursigaad ku fadhido qiimihiisa oo ka NOW ayaad doonaysaa, khadraay waxaan kuu sheegayaa walaaltinimadii,wanaagii,sharaftii iyo qiimihii aanu kuu yeelnay wuu ku cajabin waayay, maanta ayaad soo faro galisay ururkii haweenka ee gobalka gabiley ee NOW oo aad tidhi lix qof iigu dara oo aan anigu wato, gabiley anagaa kugu haynay oo wax kaa dhignay oo dadkayaga kusoo garab istaagay laakiin gacmahaanu kugu sidnay ayaad naga qaniintay oo barbari nin beertay gubtaa”
Marwo haweeya oo hadalkeeda sii wadata ayaa narsada cayda u tuntay khadra xaaji gaydh waxayna tidhi “ qofku markuu malafsiga,walafka iyo talafka barto meelna ma qabto, Now wax dhex yaalaa oo laga cunaa ma jirto, shan litir oo shidaal ah lagama helo, ururka NOW wasaarad dakhli leh maaha, malaha waad halawsan tahay oo meel walba in wax la raqayo ayaad moodaysaa, Ururka Now $300 ayaad ka qaadataa oo xubin ayaad ka tahay oo Zaadka ayaa laguugu soo dirayay mudadii aan xilka hayay oo laba sano ahayd intii ka horaysayna waa laguu soo dirayay, markaa khadra x gaydh waxba kama tagtid waxna kama dharagtid oo waliba naag aan jirin oo aan joogin ayaad lacagteeda qaadanaysay, waxaan is idhi waa walaashaaye waxba ha wadwadine ha iska qaadato, dee 300 ayaa kaa badbaadi waayee miyay tii agaasime-nimadiina ku qancin wayday oo wax kuu tari wayday, waxaan ku leeyahay ururka NOW haddaad faraha kala bixi waydo faraha ayaad kaga guban oo waxba aniga igaga qaadi maysid, intaad dawlada hoose ka cuntay anigu kamaan cunin oo walaf iyo talaf maan qaadin oo waan shaqaysta waanan isku kalsoonahay”
gobogabadii Marwo haweeya ayaa dul istaagtay aqoonta iyo heerka waxbarasho ee ay leedahay agaasimaha madaxtoyada Somaliland khadra xaji gaydh waxayna tidhi “ adigoon cilmi lahayn ayaad dadka ku sheegtaa reermii oo aad tidhaahdaa hebel waxba ma baran, aduu maxaad baratay galaaska Seddexaad ayaad kaga baxday, waadigii tamaandhada iyo balayga qodayee ku safanaystay hartii biyaha ahayd, illahay kulmiye aduu kuu dhaliyay”

Hargaysa/Somaliland
Wariye: Kamaal Sheekh Ismail

shihaab25@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews