berberatoday.com
Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Secja Oo Si Kulul U Cambaareeyey Xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr, Kana Digay Wan-Jalaad Ay Usoo Maleegen Agaasimaha Duulista Iyo Maamulaha Maadarka Hargeysi
August 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-“Waxa jirtaa arrin ku cusub Somaliland, iyadoo Agaasimaha iyo Maamulaha Maadarla Hargeysi wan jalaad u geysteen Abwaan, kaddib markii ay Maxkamadda sida la sheegay la hortageen qoraal ku qoraan luuqada afka Ingiriisga ah, kaasoo aanu qorin Abwaanku. Maxkamadaha Somaliland mudooyinkii u danbeeyey ahaa kuwo cadaaladda ku shaqeeya waxaan ka rajeynaynaa inay Muwaadinkaa lagu amarku taagleeyey sida ugu dhakhsaha badan ugusoo celiso xoriyadoodii”

Hargeysa(Xogreebnews.com-Warsaxaafadeed: Dete 29/8/2016 Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja waxa uu Cod dheer ku Cambaareynayaa Xadhiga xaqdarada ah ee aan sharciga waafaqsanayn ee Xukuumadda Somaliland kula kacday Muwaadin qoraa, Suxufi iyo Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

Siciid Maxamuud Gahayr waa Suxufi Ruug caddadii ah oo Qalinkiisu xaq dhawro cida uu ka qoraayo iyo sidoo kale waxa uu bulshada u gudbinaayo. Haddaba Markii Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Secja u dhabbo galay sababaha keentay xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr, waxa usoo baxday inuu u xidhan yahay qoraal Wasaaradda Duulista Somaliland dhibsatay. Suxufi Siciid Maxamuud Gahayr oo amarka xadhigiisa ay bixiyeen masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo hawada oo kala ah Agaasimaha iyo maamulaha maadarka oo runtii ka damqadday qoraal cilmiyeysan oo uu ka baahiyey wasaaradda iyo xog la xidhiidha shaqaaleynta shaqaaleheedda. Sidaa daraadeed Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja waxa uu Cod dheer ku Cambaareynayaa xadhigaa xaqdarada iyo awood sheegashada ah ee masuuliyiin xilalka ka haysaa Xukuimaddu kula kacday Abwaan, suxufi iyo qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.

Sidoo kale, waxa Ururku ka digayaa dacwada in la marin habaabiyo ama laga leexiyo ujeedadii Siciid Maxamuud Gahayr markii hore lagu xidhay.

Sidoo kale, waxa jirtaa arrin ku cusub Somaliland, iyadoo Agaasimaha iyo Maamulaha Maadarla Hargeysi wan jalaad u geysteen Abwaan, kaddib markii ay Maxkamadda sida la sheegay la hortageen qoraal ku qoraan luuqada afka Ingiriisga ah, kaasoo aanu qorin Abwaanku. Maxkamadaha Somaliland mudooyinkii u danbeeyey ahaa kuwo cadaaladda ku shaqeeya waxaan ka rajeynaynaa inay Muwaadinkaa lagu amarku taagleeyey sida ugu dhakhsaha badan ugusoo celiso xoriyadoodii.

Gudoomiye Ku-xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja

Md. Axmed Muuse (Sakaaro)

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews