Dubai(Berberatoday.com)-Warar lagu kalsoon yahay oo shabakadda Wararka ee Xogreebnews ka helayso ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in wafti wasiiro ah iyo Maareeyaha Dekeddu dalka kaga baxeen safar dhuumasho ah, isla markaana uu Madaxweyne ku xigeenku isna dhuumasho kaga sii horeeyey, isagoo ku sugan Dalka isku tagga Imaaraadk Carabta.
Magacyada masuuliyiinta ku sugan dalka Imaaraadka carabta ayaa lagu kala sheegay, wasiirka madaxtooyadda Maxamuud xaashi, qorsheynta Cali shoombe, Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Diriir. Iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo weliba Wiilka Madaxweyne Siilaanyo sodogga u yahay ahna Safiirka Imaaraadka ee Somaliland iyo xubno aanaan weli Magacyadooda helin.
Ujeedada waftigu u joogto dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay soo dhemaystirayaan heshiiskii qabyada ahaa ee dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo shirkada Dp World. Waxana xoggaha la xidhiidha heshiiska lagu sheegay in wajigii labaad halkaa la iskugu tagay.
Geesta kale, wararka laga helaayo dhinaca shirkadda Dp World ayaa la sheegay inay ka gaws adaysanayso heshiis rasmi ah inay hadda lasoo saxeexdaan waftiga u jooga halkaa.
Lama ogga sababta Waftigaas uga dhuunteen shacabka somaliland markii ay dalka ka baxaayeen, iyadoo bulshada aan loo sheegin safarka madaxweyne ku xigeenkii dalka, arintaa ayaa dhalinaysaa inuu jiro qorshe madmadow hadheeyey inay waftigu halkaa u tageen.
Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayay ahayd markii golaha Baarlamaanka somaliland ansixiyeen waraaqo ogolaansho ah oo ka turjumaaya inay xukuumaddu soo gasho heshiiskaa.