berberatoday.com
Wiil La Dhashay Orodyahanka Caanka Ah Ee Mo Farah Oo Laga Soo Mustaafurinaayo Daka UK + Sababta
August 29, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Wiil la dhashay Orodyahanka Mo Farah oo lagu magacaabo Ahmed Farah ayaa wajahaya in laga soo tarxiilo dalka Britain, loona soo musaafuriyo Soomaaliya, isagoo ka cabsi qaba in la dilo, hadii si khasab ah dib loogu celiyo.

mo farah br

Ahmed Farah oo 27 jir ah ayaa Britain la geeyay isagoo 2 sano jir ah, isagoo walaalkii Mo Farah uu xilligaas ahaa 8 jir.

Wiilkan ayaa dhowaan dhameystay xabsi afar sano iyo bar uu ku jiray, kadib markii la xukumay, waxaa lagu eedeeyay weerar mindi loo adeegsaday oo kol hore isaga iyo koox kale ay u geysteen nin kale.

Ahmed Farah ayaa u sheegay Jariirada Sunday Mirror inay qatar tahay in xilligan dib ugu laabto Soomaaliya, waxaa uu sheegay inuu ka cabsi qabo in nolosheeda ay ku dhamaato dhimasho, isagoo xusay in aanu dareemeyn wax rajo ah.

“Waxaan u cabsi qabaa nolosheeda, waa ogahay in  aan ku bad baadi doonin halkaas, wax kasta waa is bedeleen”ayuu yiri Ahmed Farah oo ku nool Galbeedka London.

Waaxda Socdaalka Britain ayaa wali wax go’aan ah gaadhin, inkastoo wargeysyada Britain ka soo baxa ay sheegayaan inay socdaan qorshayaasha la doonayo in lagu soo musaafuriyo.

Dowladda Britain ayaa sharciyada u yaala waxaa ka mid ah dadka ajnabiga ah ee dambiyada ka gala dalkeeda marka ay dhameystaan xukunka laga musaafuriyo dalka, si aysan dhibaatooyin kale u geysan.

Mo Farah oo heysta dhalashada Britain ayaa dhigay taariikh, kadib markii uu markii labaad ku guuleystay orodka 10,000 iyo 5,000 mitir ee tartanka Ciyaaraha Olimbikada ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Rio De Janeiro.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews