Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Xadhiga Muwaadin Siciid Maxamud Gahayr
Hargeysa(Berberatoday.com)-xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa ka hadashay xadhiga loo gaystay qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr oo ku xidhan magaalada Hargeysa.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay codsanaysaa in la sii daayo Siciid Maxamuud GahayrWarsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka ayaa lagu sheegay inay xaruntu codsanayso in la sii daayo muwaadinkaasi xidhan, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:
Waxa 20kii August 2016 lagu xidhay magaalada Hargeysa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah nin qoraa ah. Siciid xadhigiisa waxa lala xidhiidhiyay qoraalo uu qoray oo ay ka mid yihiin kuwo baraha bulshada lagu qoray.