berberatoday.com
Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwadda Somaliya U Gudbisay Turkiga Ee La Xidhiidha Basaaboorka Somaliland
August 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ka jawaabay dacwad ay dawladda Somaliya u gudbisay Turkiga oo ay ku dacwaysay qunsulka Turkiga ee Hargeysa oo sheegay in Turkiga lagu tagayo Baasaaboorka Somaliland.

Wasiir-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Axmed-kayse Aadan Ismaaciil iyo guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa talaabada dawladda Somaliya ku tilmaamay inay ka mid tahay talaabooyinka cadawnimada ah ee ay ku hayaan Somaliland. “Wasaaradaas arrimaha dibadda Somaliya  dacwadaas ay qunsulka Turkiga ka qortay ee daba socday hadalkii ahaa basaboorka Somaliland ayaanu Visa ku bixinaa, waxaan ka arkay saxaafadda,  laakiin haddii ay jirto waa nasiib darrooyinka waaweyn ee ay dawladda Xasan Sheekh ka taliyaa ku kacdo.” ayuu yidhi wasiir xigeenku oo u waramay weriye Najax Aadan Cunaaye oo ka tirsan HCTV,  intaas raaciyay “Markaas waxay ka mid tahay in maanta Somaliland oo basaboorkeeda ku safartaa ay iyagu afka ka sheegtaan inay doonayso inay go’doon siyaasadeed ku rido, waxaanay ka mid tahay xeeladaha ay ku doonayaan inaanay Somaliland la macaamilin adduunka.”

Wasiirka oo sidoo kale u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, ayaa yidhi “Somaliya waxaad moodaa inay la waasheen xaasidnimada Somaliland, halkay iyagu dawlad iyo xukuumad shaqaysa samaysan lahaayeen ayaa waxay keeneen inay xaasidnimo ka shaqeeyaan. Markaas iyagu dawlad shaqaysa ha samaystaan markaas ayay wax ka sheegi karayaan, laakiin xaasidnimada ah lama caawin karo, basaboorkaooda laguma tagi karo ayay ka dhammaan waayeen. Laakiin baasaaboorka Somaliland dalal badan ayaa lagu tagaa, laguna tagi jiray.”

Geesta kale, guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isna waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka hadlay mawduucan “Dawlad jirta ayaa wax gudbisa ee tuugo meel iskugu tagtay oo magaca Somaliya wax ku cunaysa waxna aan qabanaynin oo qabyaalad ku fadhiya oo is wada xaasidaya oo inagana cadawgeena ah oo aan horumarkeena iyo dedaalkeena aan raali ka ahayn wax alaale wax ay inaga qaadayaan ma jirto, dacwadana mid wax u taraysa oo laga yeelayo Turkiguna uu ka qaadanayo maaha, Somaliland iyo Turkigu xidhiidh bay lahaan jireen ilaa qarnigii 17aad, markaas dawlad aan jirin waxba ka qaadan mayaan.” sidaas ayuu yidhi Faysal, oo intaas raaciyay “Maalin walba waxa inoo muuqanaya xaasidnimada calool xumada iyo xigdiqa nimankaas Somaliya ee isku sheegaya inay Dawlad yihiin, waxaan leeyahay Shacabka Somaliya waa Shacab aanu halgankii wada galnay oo aanu wada ridnay dawladii Siyaad Barre, wanaag baa naga dhexeeya, ee waxaan leeyahay nimankaas sida khaldan xukunka u yimid Somaliland waa qaran, oo waa dawlad oo waa dal ee ha ku daalina, niyadana ka saara.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa yidhi “Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Cabdisalaan oo ka soo jeeda Somaliland, oo ah nin aanu saaxib ahaan jirnay oo aanu meel ku soo wada kornay waxa uu dheeraaday Wasiiraddii Arrimaha Dibadda ee Somaliya soo maray, nacayb uu neceb yahay Somaliland oo xitaa iyagii ayaa la yaaban”.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews