berberatoday.com
Cabdilaahi Yuusuf Iyo Xusuus Qorkiisa Aragtidii Siilaanyo Ee Hogaaminta SNM Iyo Mabda’ In Uu Somaliland Ka Gooyo Soomaaliya – Q:74aad
August 30, 2016 - Written by Berbera Today
Jendayi Frazer, U.S. Department of State Assistant Secretary for African Affairs, sits down with Somalia President Abdullahi Yusseff for a bilateral meeting with him during the 11th Ordinary Session of the Assembly of the Union at the African Union Summit June 30, 2008, in Sharm El Sheikh, Egypt. The theme of the summit is "Meeting the Millennium Development Goals on Water and Sanitation,

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo & Aragtida Cabdilaahi Yuusuf Ee Mabda’ii Siilaanyo Iyo SNM -Qaybtii 74aad

Ilaa xad waxaa la odhan karaa in ay SNM sidaas ku dhalatay. Sidaas awgeed SNM diyaar bay u ahayd in ay heshiis kasta la gasho si ay ku gaadho himiladeedii gaabnayd oo ahayd in ay goosato gobolada waqooyi galbeed dibna gacanta ugu soo celiso ganacsatada reer waqooyi ee danihii yaraayey xukuumadda siyaad barre ka waayeen kadib. SNM waxay iyada oo ka duulaysa ujeedada qarandumiska ah si toosa isugu dhiibtay Itoobiya, isla markaana la gashay heshiis qarsoonaa oo ku salaysnaa kala goynta Soomaaliya, iyo la dagaalanka SSDF iyo gudoomiyaheedaba oo ay u arkayeen caqabad hor taagan heshiiskooda meel marintiisa, waxaa xusid mudan in heshiiskaas laga qariyay muwaadiniintii ka tirsanayd SNM oo ay ku talax tageen koox yar oo Siilaanyo hogaaminayay dhaqan gelintiisase si dadban loogu adeegsaday SNM.
Hogaanka sidoonka SSDF wuxuu gacantta ku dhigey qorshe sir ah oo ay ka danbeeyeen Itoobiya iyo SNM, kaas oo ku salaysnaa sidii la igu dili lahaa, dabadeed wuxuu bilaabay in uu talaabo talaabo ula socdo, hadba heerka ay marayso fulinta qorshahaasi, sidaasi oo kale waxaanu helnay 13 waraaqadood oo lagu amrayay in aniga iyo madax kale oo jabhadda SSDF ka tirsanayd lana laayo.
Markii mu’aamaraadkaas lidka nagu ahi ay gaadheen heer aan loo dulqaadan Karin ayaa Mingistu hor dhigay waraaqihii xambaarsanaa go’aamada SNM ku gaadhay in lana laayo, waxaan xasuusiyey in labada jabhadoodba ay magangalyo ku joogaan Itoobiya, sidaa awgeedna xukuumdiisa ka codsanayo hadii aanay iyadu lug ku lahayn mu’aamaradahaas in ay deg deg wax uga qabato, waxa kale oo aan u sheegay in dulqaadkii naga dhamaaday oo hadii aan deg deg arintaas wax looga qaban ay SSDF khasab ku noqon doonto in ay is difaacdo, Mingistu wuxuu iigu jawaabay in ayna Itoobiya ka shaqaynayn isku dirida jabhadaha iyo in aanay marnaba dhex galayn muran iyaga ka dhexeeya, waxa kale oo uu igu yidhi ‘’waraaqaha aad iikeentay waxaan u gudbinayaa xafiisyada ku shaqada leh si ay baadhitaan ugu sameeyaan dabadeedna, natiijada ka soo baxday ay kugu soo war galin doonaan haddase iska tag oo war iga sug’’ War celintii Mengistu waxay noqotay dhacdooyinkan soo socda, ilaaladaydii Diridhaba joogtay baa waxaa loo diiday in ay tagaan xarumihii ciidankayga ee Diridhabe ka baxsanaa.
Sirdoonka Itoobiya iyo madaxdii SSDF gacan saarka la lahaa waxay iska dhaadhiciyeen in socdaalka ragu la xidhiidhay qorsha uu Cabdilaahi Yuusuf ciidanka kaga saarayo Itoobiya, afar ka mid ah ilaaladayda baa iyaga oo ku sii jeeda gurigii uu deganaa ayaa koox ka tirsan ciidanka Itoobiya oo saraakili SSDF ahi hagayso dhexda ku joojiyeen oo amar ku siiyeen in ay hubkooda u dhiibaan, iyaguna wey diideen, maxaa yeelay kuwa amraya ayaa iyaga laftoodu hubaysnaa, markii woxogaa hadalkii la isla dhaafay, Itoobiyaanlii rasaas ayay ooda kaga qaadeen ilaaladiina waxay isku dayeen in ay is difaacaan xoog ayaase lagu muquuniyay.
Goobtaas waxaa lagu diley saddex ka mid ah ilaaladii, midna waa lagu dhaawacay, kii la dhaawacry horey ayay u qaateen, ka dibna wey dileen, ilaaladii hal nin ayay Itoobiyaanka ka dhaawaceen, isla subaxdaas ayaa aniga iyo Dr Cabdilaahi Maxamed Xasan (Faash) nalooga yeedhay xarunta nabad sugida Itoobiya, saraakiishii aanu halkaas ugu tagnay waxay nagu wargaliyeen in wasiirka amingu na doonayo oo ay xafiiskiisa noogu gaynayaan, waayahay baan ugu jawaabay, meeshii nala geeyay waxaanu ugu tagnay wasiirka kaaliyeyaashiisii ugu sareeyay iyo dhawr janan oo wasaarada Gaashaandhoga ka socdey, soo dhaweyn iyo salaam ka dib ragiii meesha nagu sugayay waxay noo sheegeen wiixii naloogu yeedhay, taas oo ahayd in aan hoganaka jabhadda ku wareejiyo Maxamed Faarax Jimaale oo markaas jabhadda u qaabilasanaa waaxda arrimaha gudaha.
Wasiirka iyo jananadii la fadhiyey waxaan ugu jawaabay ‘’Xil iyo ciidan midna wareejin maayo’’ waan gartay in ay doonayeen in aniga si qorshaysan la iiga takhaluso, ka takhaluskayguna dhaco marka aan xilka wareejiyo, oo aan soo baxo nin aan xil hayn oo caadi ah. Kadibna ka takhaluskayga (Dil ama Xabis) dunida loogu muujiyo talaabo caadi ah oo laga qaaday qof dembi galay, dood dheer ka dib markii aanu isla garan weyney taladii ay soo jeediyeen baa wasiirku amar ku siiyey jananadii gaashaandhiga la socdey in xarunta gaashaandhiga nala geeyo, si ay madaxda halkaas joogtaa isugu daydo in ay igu qanciyaan in aan taladooda raaco oo aan xilka wareejiyo, sidii bay yeeleen oo xaruntii gaashaandigga baa nala geeyay, waxaa ila socday wiil ilaaladayda ka tirsanaa oo baastoolad sitey, halkaas waxaaanu shir kula galnay dhawr janan, kuwaas oo xaraf xaraf iigu soo mariyay taladii aanu isku mari weyney aniga iyo wasaaradii amnigu.
….La Soco

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews