berberatoday.com
David Cameroon Oo La Arkay Isaga Oo Cagaagan Oo Gaajaysan, Goob Dariiq Ahna Ku Cuntaynaya!!
August 30, 2016 - Written by Berbera Today
Polzeath Beach Cornwall Tuesday Evening around 8.00pm 23/08/16 Ex PM David Cameron and wife Samantha enjoy a fish supper after a day on the beach in Cornwall - Picture taken by a friend no by-line taken on i-phone

London(Berberatoday.com)-Inkasta oo uu maalmo kooban ka hor uun uu ku sugnaa qasriga 10 Downing Street oo ka mid ah goobaha adduunka looga taliyo, boqollaal shaqaale ahina daba guuri jireen marka uu safarada shaqo ku jiro waakan David Cameroon, Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska oo warbaahinta Ingiriisku daba gal ku samaysay sawirrona ka soo qaadeen isaga oo cagaagan, sidoo kalena gaajaysan oo goob jid ah dad dabqadda hoose ah kula sugan deegaan xeebeedda Cornwall oo ku taalla Koonfur Galbeed dalka Britain.
Maalmo kooban ka hor waxa uu ahaa dadka adduunka ugu magaca iyo awoodda badan maantana waxa uu goob kula sugan yahay dad aan xataa wajigiisa si fiican uba eegin oo aan garanayn kaasi oo la arkay isaga oo gabadh loo maleeyey xaaskiisa la socda goob gidaar ahna ku cunaya xabbado baradho la shiilay ah iyo inyar oo kalluun ah isaga oo cagaagan oo diif iyo gaajo ka muuqato. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail cadadkiisii Jimcihii shalay, David Cameroon ayaa sawirro laga soo qaaday isaga oo ku sugan tuulo xeeb ah oo lagu magacaabo Cornwall oo ku taalla Koonfur Galbeed ee dalka Ingiriiska. Wargeysku waxa uu leeyahay David Cameroon ayay noo suurto gashay in aannu sawirro ka helno isaga oo cagaagan oo aad muuqaalkiisu isu badalay gaajona ka muuqato kaasi oo goob cunto fudud laga iibsado oo shaarac ah inta uu ka iibsaday kalluun yar iyo baradho shiilan gidaar la fadhiistay. Halkaasi oo ay sawirka kala muuqdaan dad shacab ah oo dadka dabqada hoose ah kuwaasi oo gidaar ku nasayaya. Wargeysku waxa uu leeyahay waxa goobtaasi kula sugnaa dad u muuqda kuwa noloshoodu hoosayso iyada oo ay garab fadhido gabadh muuqaalkeeda loo maleeyey xaaskiisii Samantha Cameroon inkasta oo sawirka laga qaaday aanu wajigeedu si wanaagsan u muuqan oo qof isku gudbay kuwaasi oo buu leeyahay wargeysku ay diif badani ka muuqatay. David Cameroon oo 49 jir ayaa bishii hore xilka Ra’iisal Wasaarenimo isaga tagay markii uu ku guul darraystay in uu taageero shacabkiisa uga helo in ay ka sii mid ahaadaan midawga Yurub isaga oo wixii intaa ka dambeeyey xamaantisa ka gurtay 10 Downing Street oo ay ka hulleeleen isaga xaaskiisa iyo labada ubad ah ee ay dhaleen.
Xigasho: Daily Mail

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews