berberatoday.com
“Dhammaan Wasiiradii Duulista Laga Bedelay Seerihii Maxamuud Xaashi Ayay Faraha La Galeen, In Wasiir Wasiir Kale Bedelo Ama Wasiir Kale Amraa Waa Ku Tagri-fal Awooddii Madaxwaynaha” Xildhibaan Xoog
August 30, 2016 - Written by Berbera Today
“Dhammaan Wasiiradii Duulista Laga Bedelay Seerihii Maxamuud Xaashi Ayay Faraha La Galeen, In Wasiir Wasiir Kale Bedelo Ama Wasiir Kale Amraa Waa Ku Tagri-fal Awooddii Madaxwaynaha” Xildhibaan Xoog

“Tusaale Ahaan Iyadoon La Marin Sharciga Shaqaalaha Ayuu Maxamuud Xaashi Warqad U Qoray Caddaani Oo Uu Yidhi Shaqada Halaga Joojiyo Muniir Oo TV-ga Qaranka Ka Shaqayn Jiray”

“Madaxwaynuhu Waa Mujaahid Muddo Kordhina Ma Rabo Ee Kuwa Awoodihiisa Ku Tagrifala Ayaa Doonaya Inay Meesha Sii Joogaan” Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xildhibaanada ku abtirsada xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay awoodda dheeraadka ah ee wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Muddo kordhinta Madaxwaynaha iyo ku tagrifal sharci oo uu ku eedeeyey wasiir Maxamuud Xaashiga Madaxtooyada.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xoog aya ugu horayn ka sheekeyey sil-silad iyo hogag shirkado iyo shakhsiyaadba leh oo taxan Madaxtooyada illaa duulista oo uu sheegay inuu wasiirka madaxtooyadu qotay isla markaana loogu talo galay hanti lunsi iyo musuq xadhkaha goostay, kaasoo sababay sida xildhibaanku sheegay in toban bilood gudahood lagu bedelo saddex wasiir oo ka hawlgalayay wasaaradda duulista oo uu Ina Xaashi shan sano joogay halka wasiiradii ka dambeeyeyna ay saddex bilood joogeen midkiiba, Cabdiraxmaan Xoog oo arrimahas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Wasiir Maxamuud Xaashi shan sano ayuu fadhiyey wasaaradda duulista oo uu lacago farabadan iyo sherkado badan ka samaystay, dakhli isaga u gaar ah oo aan ku dhicin qasnadda dawladda oo lix sherkadood u shaqeeyaan ayuu leeyahay, markaa ninka Maxamuud Xaashi seerihiisa gala ee lacagtiisa taabta afar bilood ayaa lagu bedelayaa waynu ognahay Cumar Sheekh afar bilood ayaa lagu bedelay, Caddaani saddex bilood ayaa lagu bedelay sababtuna waxa weeyaan Seere u xidhan oo lama taabtaan ah oo Maxamuud Xaashi leeyahay ayay faraha la galeen, waxaanay ka mid tahay tacadiyada iyo gabood falada uu ku caan baxay ninkan Madaxtooyada ka taliya ee Maxamuud Xaashi”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay lacagtii ay ka gole ahaan ansixiyeen ee laga qadi jiray dadka dhoofaya oo ahayd $10 balse iminka qofka dhoofaya laga qado $60, waxaana uu sheegay in qaddarka intaas le’eg ee lacagtii ay ansixiyeen lagu daray uu jeebka ku shubto wasiirka Madaxtooyada Maxamuu Xaashi, waxaana uu yidhi:

“anagu waxaanu ogayn toban dollar lixdan dollar in laga qaado aniga dadka ii yimaada ee qoyskayga ah ee xaaskayga iyo caruurtayda markaan Airporta ka doono lixdankaas ayaa laga qaadaa goor alla goor uu ina Xaashi korodhsaday anagu ma ogin, waxaa kaloo jira lacag laga qaado Parking-ka waxaynu ognahay wasaaradda duulista iyo hawadu inay tahay meel dawladi leedahay wali lama arag meel dawladi leedahay oo Parking-keeda lacag laga qaado ilayn Miisaaniyadda dawladda ayaa lacag laga siiyaaye,meeshani waa meel dawladeed anigoo xildhibaan qaran ahi markaan galo ee uu gaadhigyagu ka baxayo toban kun ayaan bixiyaa markaa waa waxyaabaha uu iska samaystay lixda shirkadood ee u shaqeeya ayay ka mid tahay, wasiiradni marka ay seeraha Maxamuud Xaashi galaan ee lacagta aan miisaaniyadda ku dhicin ay yidhaahdaan lacagtani xagee ayay u socotaa ayaa rag uu Maxamuud Xaashi meesha dhigtay yidhaahdaan waar wasiirkii xoolahaagii ayay faragliyeene ka soo gaadh, markaa wasiiradaas la bedelay waa inagu ugub siyaasadda Somaliland wasiir wasiir bedela waxaa kale oo jira wasiir wasiir kale amra, Maxamuud Xaashi waa raysal wasaare ama waxaan odhan karaa awoodii Madaxwaynaha ayuu ku tagri falaa, tusaale ahaan wasiirka warfaafinta Cadaani waxa uu bedelay nin shaqaalo hoosaad ah oo Telefishanka qaranka ka shaqeeya oo Muniir la yidhaahdo, waxaa Caddaani warqad u diray Maxamuud Xaashi iyadoon la marin sharciga shaqaalaha, iyadoon la marin xeerarka waddanka u yaala habkii dawladi lahayd inta laga booday ayuu Maxamuud Xaashi warqad qoray wuxuu u diray Caddaani Muniir hala eryo ayaanu yidhi. Arrinkaasina waa arrin ka baxsan xayndaabka dawladnimada markaa wasiirka wasiirka kale amrayaa waxa weeye Maxamuud Xaashi ayaa Caddaani amraya”.

Geesta kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa ka hadlay wararka sheegay in muddo kordhin loo sameeyo Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa waxaana uu sheegay inay arrintaas dabada ka wadaan dad Madaxwaynaha rafiiq la ah, balse aanu Madaxwaynuhu ku qanacsayn waxaana uu yidhi:

“wallahi aniga waxaaba ugu maqaalo ah in Madaxwaynuhu yidhi anigu oday wayn oo daalaybaan ahaye madoonayo in maalin lay kordhiyo qolooyin awoodihiisa ku tagrifala oo doonaya inay meesha iska sii joogaan oo wasiiro iyo qolooyin kale oo daba yaaca, ciyaal iyi dumar ayaad doonaya inay kordhistaan ninkani ma rabo waa oday wayn oo Mujaahid ah oo ka daalay meeshan haddii la kordhinaya Madaxwaynaha waa lagu khasbayaa”. 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews