berberatoday.com
“Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinku Wuxuu Dhaawacayaa Sumcadda Somaliland”…..Danjire Harriet Mathews
August 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)–Safiirka dawlada ingiriiska u qaabillsan arimaha Somaliland iyo somalia Danjire Harriet Mathews ayaa waxay sheegtay in ingiriisku taageerayo nidaamnka dimuqraadiyadeed ee Somaliland,balse dib u dhac ku yimaada doorashooyinku dhaawacayso sumcadda Somaliland ee dimuqraadiyadda.
Danjire Harriet waxay sheegtay inay kulan la yeelatay xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda,gudoomiyeha maxkamadda sare oo ay kala hadashay arimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xeerka saxaafadda iyo xoriyadda saxaafaddaba,iyada oo sheegtay inay maanta kulan la yeelan doonto madaxwayne Siilaanyo.
Danjre Harriet Mathews oo ka jawaabaysa su’aal laga waydiiyay in masuuliyiinta ay la kulantay kala hadashay xoriyadda saxaafadda waxay sheegtay in wasiirka arimaha gudaha Somaliland iyo gudoomiyaha maxkamadda sare kala hadashay xeerka saxaafadda iyo waliba damaanad qaadka xoriyadda saxaafadda.
Mar wax laga waydiiyay suurtogalnimadda dib u dhac ku yimaada doorashada baarlamaanka oo ay in ma la wada qabto doorashada madaxtooyadda bisha march ee sanadkan soo socda iyo mawqifka ingiriiska,waxay sheegtay in dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinku wiiqayo sumcadda Somaliland ee caalamka waxaanay tidhi.
“Ingiriiska mawqif cad ayuu ka leeyahay arimaha doorashooyinka dib u dhac ku yimaada doorashooyinku waxa uu dhaawacayaa kalsoonida iyo sumcadda Somaliland,Jahliyadda dibadda oo aan London kula kulmay laftoodu waxay ii sheegeen inaanay doonayn inay doorashadu dib u dhacdo”ayay tidhi safiiradu .
Waxay danjiruhu soo jeedisay in mar lawada qabto doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanka sidii lagu heshiiyay
“Mawqifkayagu aadbuu u cad yahay.balan la galay ayaa ahayd in doorashooyinka mar lawada qaban doono,waxaanan ugu baaqayaa dawlada Somaliland in laga dhabeeyo go’aankaas oo laga shaqeeyo’”ayay tidhi
Waxay sheegtay inay aragtay walaacyo laga qabo in doorashadda baarlamaanku dib ugu dhacdo saami qaybsiga dartiis.waxayse sheegtay inuu yahay mawduuc laga shaqayn karo hadii la dadaalo,iyada oo sheegtay in doorashada oo dib loo dhigaa aan loo arag xal saami qaybsig

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews