berberatoday.com
Guddoomiye Cirro Muxuu Ka Yidhi Diwaangalinta Xukuummada Ka Bilaabayso Goobaha lagu Muransanyahay Ee Waqooyiga Hargeysa iyo Dib Udhac Doorashada Wakiilada?
August 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa xukuummada ugu baaqay in Dhulka Waqooyiga Hargeysa ee lagu muransanyahay lagu daro Gobolkii ay ka tirsaanaayeen 1960kii oo loo eego dastuurkii wakhtigaas.

Guddoomiye Cirro, waxaa uu sheegay in go’aanka xukuummadu kaga bilaabayso diwaangalinta Codbixiyaha Goobahaasi ay khalad ku tahay mawqifka ay qaateen iyagoon la tashan madaxda kale ee Somaliland.

“Dhulkaasi (waqooyiga Hargeysa )waa in xukuummadu meeshii ku haboonayd ay raacisaa iyadoo eegaysa dastuurkii 60kii, dadkaasina waa inay helaan doorashada ay xaqa u leeyihiin Baarlamaan iyo doorashada Madaxtooyaba”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo wareysi khaasa Siiyay Telefiishanka Universal.

Guddoomiye Cirro waxaa kale oo uu ka hadlay dib u dhac ku yimaada Doorashada Golaha wakiilada Somaliland oo markii hore lagu waday in mar lawada qabto doorashada Madaxtooyada.

“Arrinta Saami Qaybsiga kuraasta baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland waxaa uu horyaalaa madaxawaynaha oo laga sugayo go’aanka ayay ku xidhantahay in la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanku”ayuu Yidhi Guddoomiye Cirro.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa shalley soo saaray digrooto lagu diwaangalinta codbixiyayaasha lagaga bilaabayo Goobahaasi lagu muransanyahay, iyadoo go’aankaasi ay si wayn uga soo horjeesteen Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews