Injirta Timaha Gasha Oo Magaalada Dubai Qiimo Sare Lagu Kala Iibsanayo Iyo Dawlada Hoose Oo Ka Digtay
August 30, 2016 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Dawladda hoose ee Imaaradda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaradaha Carabta ayaa qoraal rasmi ah oo ay soo saartay goobaha dumarku isku qurxiyaan uga digtay in ay Injirta timaha gasha iibiyaan iyaga oo ku andacoonaya in ay ka qayb qaadato bixitaanka timaha. Dawladda Hoose waxa ay digniintan ku sheegtay in meheradda (Koofeerka) lagu qabto isaga oo Injir iibinaya laga qaadi doono ganaax lacageed oo u dhigma 544 Doolar, kaas oo weliba sii laban-laabmi doona mar kasta oo isla meheradda lagu qabto in ay sii waddo ka ganacsiga injirta.