berberatoday.com
Labada Agaasime Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Degreeto Kale Oo Aan Saxaafada La Soo Marin Oo Muran Kale Abuurtay
August 30, 2016 - Written by Berbera Today

Mid Ka Mid Ah Labadan Agaasime Oo Madaxtooyadda Ka Soo Qaatay Degreeto Kale Kuna Soo Dhejiyay Gidaaradda Wasaaradda

agaasimayaal

Hargeysa(Berberatoday.com)-Labada Agaasime ee uu Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u soo wada magacaabay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa madaxa iskula jira,Islamarkaana si weyn ugu muransan kala duwanaanshaha Shaqada uu mid waliba ka qabanayo Wasaaradda, Waxaana Jira dhaq dhaqaaqyo uu mid waliba dhinaciisa ku sheeganayo shaqadii uu markii hore qaban jiray Halkii agaasime ee ay Wasaaraddu hore u lahayd.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan isku dhaandhayntii uu ku sameeyay Qaar ka mid ah Golihiisa Xukuumadda waxa uu booskii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha U kala jabiyay laba boos,Waxa uu Agaasimihii Guud ee Hore Cabdifataax Siciid Axmed ka dhigay,Agaasimaha Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arimaha Gudaha,Halka uu agaasime kale oo uu ku soo kordhiyay Wasaaraddaasina Xasan Nuur Abokor (Xasan Jabiye) ka dhigay Agaasimaha Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha. Tan iyo maalintaasi illaa hadda waxa labadasi agaasime ka dhex aloosnaa khilaaf xagga shaqada ah isagoo mid waliba dhinaciisa ku sheegaynayay ahaanshiyaha Agaaimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Labadii cisho ee ugu dambeeyay waxa uu Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arimaha Godaha ee imika Degreetadii dambe loogu magacaabay Agaasimaha Dawlada Hoose ee Wasaaradda Arimaha Guduhu Cabdifatax Siciid Xasan Gidaaradda Wasaaradda Ku soo dhejiyay Degreeto kale oo aan Warbaahinta laga shaacin oo uu ku sheeganayo in mar kale madaxtooyaddu u cusboonaysiiyay Xilkiisii islamarkaana uu yahay “Agaasimaha Maamulka Wasaaradda, Dawlada Hooose Iyo Goboladda,Arintaasi oo doodo Xasaasi ah ka dhex dhalisay Shaqaalaha Wasaaradda kuwaasi oo si weyn u qaadaa dhigayay Awood sheegashooyinka ka dhex aloosmay labada Agaasime iyo sida aanay u kala cadayn shaqooyinka ay qabanayaa ee Wasaaradda Arimaha Guduhu (Job Discription”,waxa kale oo dood culus dhalisay Degreetada dambe ee aan Saxaafada la soo marin ee Cabdifatax Siciid Xasan ka soo qaatay Madaxtooyadda.
Waa markii u horaysay ee Wasaaradda Arimaha Guduhu Yeelato Laba Agaasime lamana garanayo sababaha ku kalifay inuu Madaxweyne Siilaanyo u sameeyo Wasaaraddaasi Laba Agaasime. Sidoo kale Agaasimaha Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Xasan Nuur Jabiye ayaan la ogayn Talaabada uu isna dhinaciisa ka qaadanayo Degreetadan dambe ee laga soo daba saaray ee shaqadii hore loogu soo magacaabay loogu soo fidiyay Agaasimihii Dawlada Hoose ee Wasaaraddaasi ee uu ku sheeganayo inuu yahay Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Arimaha Gudaha Taasi oo uu isagu Wasaaradda ugu xil saarnaa.

 

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews