berberatoday.com
Puntland Oo Shaacisay Liiska Magacyada Shaqsiyaad Ay Ku Sheegtay Inay Ka Dambeeyeen Qaraxyadii Magaalada Gaalkacyo Ee Lagu Hoobtay
August 30, 2016 - Written by Berbera Today

galkacyoGarowe(Berberatoday.com)-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Puntland-Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey liiska magacyada shaqsiyaad lagu sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu war geliyey dhamman hay’adaha amniga Puntland in ay soo qab-qabtaan shaqsiyaadkaasi, isla markaan hor keenaan sharciga iyo caddaaladda.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo shaqsiyaad ka tirsan kooxda al-shabaab ee geystey qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku bur-burtay hanti tiro badan.

Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo magacyada ururka Al-shabaab ee falkaasi ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.

aha1.Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”
Da’diisa: 40-45 sano jir,ku dhashay Gaalkacyo, Beeshiisa Cumar Maxamuud/ Reer Mahad, Shaqadiisa Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

2.Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”
Da’diisa 45 sano jir, ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle,Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf oo ku dhashay Gobolka Mudug, Beeshiisa Dir/ Qubeys.

4.Cabdishakuur Mire oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa Sacad/ Reer Nimcaale.

5.Muxiyadiin Dakharre oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo, Beeshiisa Sacad / Reer Hilowle.

 

aha2Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca shaqsigii iskau isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaarigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey.

Cabdullaahi Fanax oo da’diisa: 22 Sano Jir ku dhashay Ceel-waaq Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.

 

Xigasho Horseedmadia.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews