berberatoday.com
Wasiir Cukuse Oo Waji-gabax Kala Kulmay Qorshe Qabyaaladeysan Oo Uu Ula Tagay Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Duulista+ Agaasimaha Guud iyo Maamulaha Madaarka oo Shaxeeyey Hindise Naasnuujineed oo Hanti lagu lunsan jiray. Warbixin Wariye Cabdifataax Cali Faarax.
August 30, 2016 - Written by Berbera Today

ddaHargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda duulista iyo hawada Md. Farxaan Aadan Haybe ula tagay qorshe qabyaaladeysan, isagoo ka dalbaday Wasiirka Cusub inuu si gaar ah ula shaqeeyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Maamula Madaarka oo Wasiir Cukuse ku booriyey wasiirka Cusub inay lee-yihiin Garoonka Cigaal International Airport, isla markaana kasoo jeedan Beesha Ciidagale.

Wasiir Cukuse oo hadal ka jeediyey kulan qado ah uu soo qaban-qaabiyey Agaasimaha Wasaaradda Duulista Md. Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan kana dhacday Huteel Star magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inuu Madaarku yahay mid lagu naasnuujiyo Beesha Koon-furta Hargeysa, sidoo kalena waxa uu tilmaamay inuu yahay goob ay ka hawl galaan dhalinyaro kasoo jeedda Beesha, isla markaana Madax ka yihiin, isagoo dhinaca kale wasiirka Cusub xasuusiyey in looga Baahan yahay inuu ku shaqeeyo qadiyad Garxajis ahaan ah.

Wasiir Cukuse ayaa hadalka uu goobtaa ka jeediyey uu u dhacaayey sidan “Wasiir Farxaanoow kolay Nin Garxajis ahna waad tahay’e waxa laga doonayaa inaad si weyn u ilaaliso labadaa Inaan ee (Agaasimaha Guud iyo Maamulaha Madaark ah), waa madaxdii reerka, maadaama oo Madaarku ku yaalo Xaafaddan Ciidagale, waxa kula gudboon inaad iyaga uga danbeyso wixii halkan kaaga xidhmaa, dadka ayaa ogol anigaa ogol, waa dhalinyaro waxba ka khaldamaya dul u yeelo, Maaliyadda kasoo baxda halkaa waa inaad iga uga danbeysaa Farsamooyin badan-baa jiree”.

Markii uu Wasiir Cukuse hadalkaa ka jeediyey madasha waxa ka daba kacay wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista iyo hawada Md. Farxaan Aadan Haybe oo ganafka si dad-ban ugu dhuftay weedhihii wasiir Cukuse ku ballaaminaayey dhalinyaradda xilalka ka hoosaysa hayaa, waxanu yidhi Wasiir Farxaan weedho la sheegay inay u dhaceen sidan “..hortaa Wasiir Cukuse waxaan u sheegayaa in Somaliland tahay Qaran oo qoladii laga gudbay, aniguna qadiyad qarxajis kuma shaqeynaayo ee waxan ku shaqeynayaa Cadaalad, Inamada uu wasiirku magac dhabaynaa Il waa loo yeelanayaa, Beesha Ciidagalena Somaliland ayey ka mid tahay oo hantida qaranka ee dhinacooda ku taala sabab looga laalusho ma jirto ayaan filayaa”.

Markii wasiir Farxaan Aadan Haybe weedhahaasi afkiisa kasoo baxeen waxa isla markiiba is bedalay wajiga wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cukuse oo la sheegay inuu Wasiirka isagoo ku fadhiyaa kursigii qadada “hadaad Agaasimaha iyo Maamulaha Madaarka u dhego nuglaan weydo waad iska tagaysaa”.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaa uu soo qaban-qaabiyey Agaasimaha Wasaaradda duulista oo gacanka helaayey maamulaha Madaarka ayaan laga gaadhin ujeedadii laga lahaa, iyadoo markii hore Wasiir Cukuse kulankaa ay ugu yeedheen dhalinyaradan xilalka Irmaan ha haysaa wasaaradda Duulista, waxana sababta loogu yeedhay nuxurkeedu ahaa sidii uu uga dhaadhicin lahaa wasiirka cusub inaanu u fiirsan dakhliyo kasoo baxa Madaarka gudihiisa oo si shaqsi ah ay u maamushan Maamulaha Madaarka iyo Agaasimuhu, dakhligaas oo Wasiir cukusena kaalin ku leeyahay sida loo leex-saday. Balse waxa muuqata inay caqabad kala kulmi doonan kooxdan qabyaaladda ku shuraakowday hadii wasiirkan cusubi ka dhabbeeyo inuu noqon doono Cadaali oo aanu ka leexan.

Warbixin Wariye

Cabdifataax Cali Faarax.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews