berberatoday.com
Diyaarad Ciidan Oo Sida Saraakiil Udhashay Dalalka Isutaga Imiraatka Carabta Iyo Masar Oo Saaka Hiirtii Subaxnimo Soo Caga Dhigtay Garoonka Diyaaradaha Berbera, Masuuliyiin Soodhaweeyay Iyo Ujeedada Socdaalkooda
August 31, 2016 - Written by Berbera Today

garoonkaBerbera(Berberatoday.com)-Waxa saaka Subaxnimadii si qarsoodiya usoo caga dhigtay Garoonka diyaaradaha ee Berbera oo in mudo ahba xidhnaa Diyaarad Ciidan oo sida Saraakiil Milatariya oo la sheegay inay ka kala Socdaan dalalka isutaga imiraatka Carabta iyo dawlada Masar kuwaas oo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka socday Xukumada Somaliland kuwaas oo ay kamid ahaayeen xubno katirsan golaha wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilanyo.Saraakiishan ciidanka ah ee watay diyaarada khaaska ah ee ciidanka ayaa aad loo adkeeyay amaankooda iyada oo ilaa xalay garoonka diyaaradaha Berbera la dhoobay ciidan badan oo amaanka garoonka suga kuwaas oo ubadnaa ciidamadsa RRU-da ee utoobabaran ka hortaga falalka Argagixisada. 

Saraakiishan ciidanka ah ee kasoo kala jeeda dalalka Isutaga imiraatka iyo dalka Masar ayaa loo malayanayaa inay yihiin kuwii hore loo sheegaayay ee Xukumada Madaxweyne Siilanyo damacsan tahay inay ka kirayso garoonka diyaaradaha Berbera si ay danohooda milatari ee ku waajahan dalka Yaman halkan uga fushadaan ugagana duulaan Jabhada awooda badan ee dalka Yaman ka dagaalanta ee layidhaa Xuutiga ee shiicada ah oo ay guud ahaan dalalka Khaliijku ka baqayaan inay kusoo fidaan oo fidmo iyo dagaalo ka dhex ridaan wadamadaas.

Saraakiishan ayaa sidoo kale waxa isla saaka kormeer qarsoodiya oo aad loo ilaalinayo amaankooda lagu soo mariyay Deegaanka Xeebta Galbeed kaga beegan garoonka diyaaradaha Berbera oo lagu magacaabo Awliyo Koobo oo masaafo 40 KM ah ujirta Berbera halkaas oo la sheegay inay doonayaa ciidamada isutaga imiraata iyo dawlada Masar inay saldhig Milatari ka samaystaan kagana duulaan Jabhada Xuutiga ee dalka Yaman ka dagaalanta.waxa kaloo iyagana laga qarinayay Saraakiishan Ciidanka ah ee diyaarada khaaska ah wata Masuuliyiinta Kaga Jira Gobolka Saaxil xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo kuwa gobolka Saaxilba oo iyagu aan kaba warqabin diyaaradaas iyo saraakiisha la socotay ee gobolka saaxil iyo degaankiisa laga iibinayo.

Ujeedada saraakiishan ciidanka ah ee la sheegay inay ka socdeen Dalalka Isutaga imiraatka carabta iyo Dalka Masar ayaan la sheegin sababta socdaalkooda iyo waxa uu la xidhiidho sidoo kalena waxa laga dabin dhawraayay inay bulshada reer Berbera ogaadaan iyo Madaxdooduba ogaadaan socdaalka saraakiishan oo la sheegay inay Qorshaha keenistooda ay ka danbayaan Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyo Xogahayaha Gaarka ah ee Madaxaweyne Siilanyo Cali axmed Cali iyo waliba Maareyihii hore ee Tvga Qaranka Khadar Cali Gaas oo hada ah Lataliye Madaxweyne islamarkaana sadexdan masuul ee saraakiishan iyo biicooda wata ayaa kasoo wada jeeda isku Jufo hoose.

waxaana saaka Hutel Maansoor ee Berbera kusugnaa Qaar kamida Masuuliyiintan aynu magac dhabnay oo saraakiishan soo dhaweynaayay soo tusaayay goobaha laga kireynayo ee uu ugu horeeyo garoonka diyaaradaha Berbera.

air

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews