berberatoday.com
Garnaqa Khilaafka Ucid ee Horyaala Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Waa Imtixaankii Ugu Weyna ee Lagu Ogganayey Garsoorka Cadaaladdiisa Iyo
August 31, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Waxa in muddo ah Maxkamadda sare ee dalka hortaalay dacwad aad u xaasaasi ah, taasoo Bulshada Somaliland si weyn u da’naynayso, isla markaana ku taxaluqda khilaaf soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysaa Xisbiga Ucid oo laba garab u kala jebiyey xisbigaa.

Iyadoo dhowaan khilaafka xisbiga Ucid ay ka garnaqeen Gudida Diiwaangelinta Asxaabta iyo Ururaddu, kuwaasoo ka soo saaray go’aankii ugu macquulsanaa, isla markaana lagu dhayaayey Obocda Khilaafka Xisbiga Ucid kasoo laba kaclaynaayey, go’aankii Guddida Diiwanagelintaa oo dhinac walbaa ka dhameystirnaa, waxa racfaan ka qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe oo isaggu ahaa Aabbaha abuuray khilaafka.

Sidoo kalena Faysal Cali waraabe waxa uu ahaa shaqsiga xisbiga Ucid ka hana qaadi waayey ee kolbaa doc khilaaf kaga soo faruurayey, Inuu Faysal Cali waraabe leeyahay Gardaradda daah ma saara, weliba waxa iska cad oo aan cidna ka qarsoonayn inuu xisbi kale u ololleynaayo oo u xisbigiisii Khiyaameeyey. Faysal Cali Waraabe waxa u haystaa inuu Xisbigaa Qaranka Somaliland Codkooddii kusoo saareen ee Cod Umadeed kaga soo gudbay tartankii Ururadda iyo xisbiyadda inuu keligii iska leeyahay, halka kooxda kale ee Musharrax Jamaal Hoggaaminaayana ay leeyihiin dadka ayaa xisbiga iska leh ee adigu ma lihiid.

Haddaba, Gudoomiyaha Maxkamadda sare farriinta aan u dirayaa waxa ay tahay inuu Garnaqa dacwadda xisbiga Ucid aanu Cid gaar ah ugu muraad qumin, isagoo raacaya heshiiskii midowga labadan garab, kaasoo dhigaayey in wax kastaaba si siman loo qaybsado, isla markaana xilalka xisbiga la kala qaatay, iyadoo heshiiskoodaasi ahaa mid dhaqan galay.

Sidoo kalena waxaan Gudoomiye Aadan Xaji Cali usoo jeedinayaa inuu kala hufo go’aankii Guddida Diiwaangelintu kasoo saartay Khilaafka Ucid, isla markaana ku Caaddo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Xil gudasho la’aan iyo sidoo kale, khiyaamo uu xisbiga Ku sameeyey.

Prof. Aadan X Cali Axmed oo runtii mudooyinkii u danbeeyey dariiqa cadaaladda Somaliland usoo nooleeyey, waxan ku leeyahay Cidna ha u eexan, maqaalcida gardaradana waa la arkayaa, badbaadi Xisbiga Gudoomiye waa Hanti Qaran ayaan ku leeyahay, oo weliba si is-le’eg wax kastaa ugu xaqsoor maadaama oo heshiiskooddu dhigaayo in wax kastaba laba qaybood oo is le’eg u kala qaataan, waxa kaloon Gudoomiyaha usoo jeedinayaa inuu mudada shirweynaha cayimo, sidoo kalena uu madmadowga ka saaro go’aankii kasoo baxay golaha dhexe ee Xisbiga UCID ee lagu doortay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid oo aan u baahnayn in isagga shiweyne la horgeeyo, maadaama oo golaha dhexe ee xisbigu yahay Hay’adda ugu sareeysaa ee xisbiga, isla markaana iyaddu iska leh shaqadda Musharraxa inay qabato.

W/Q

Cabdifataax Cali Faarax

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews