Magacyada Wasiiro Iyo Xildhibaano Somaliland Ka Soo Jeeda Oo Ku Dhaawacmay Qarax Lala Eegtay Hoteel Muqdisho Ku Yaala Oo Ay Ku Shirayeen
August 31, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Siyaasiyiin dhawr ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan midnimadii burburtay ee Somaliya, ayaa shalay waxa uu khasaare balaadhani ka soo gaadhay weerar is qarxin ah oo lala beegsaday hoteelka SYL ee Muqdisho oo uu shir uga socday.
Siyaasiyiintan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano, waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo u badan kuwa fudud. Markii qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay ku jireen shir siyaasadeed ay kaga tashanayeen tabasho siyaasadeed oo ay beryahan dambe ka tirsanayeen dawladda ay ka tirsanyihiin iyo dadka kale ee Somaliya oo la xidhiidha saami qaybsiga baarlamaanka Somaliya.