berberatoday.com
Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Amarkiisa Kusoo Raaciyey Ciidamo Suldaankii Waraabe U Taaga Ahaa Si Xabsiga Loogu Taxaabo Suldaan Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Gurigiisiina Gelelefay, Kaddib Markii Ushalay Suuqa Ku Bakooradeeyey
August 31, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu Ciidamo Boolis ah amarkiisa ku soo raaciyey  Suldaankii Waraabe u taaga ahaa ee isku dayey Inqilaabkii dhicisoobay ee Saldaladda Subeer Awal, kuwasoo saaka gelelefay Guriga uu magaaladda Hargeysa ka degen yahay Suldaan Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan diiriye oo adeer rumma u ah Suldaanka waraabe u taaga ah, kaasoo shalay Suuqa ku Bakooradeeyey markii ui waano kala quustay Suldaanka Waraabe u taaga ah.
Waxanay Ciidamadani doonayeen inay Xabsiga u taxaaban Suldaan Aadan Suldaan Cabdiraxmaan oo adeer u ah Suldaanka waraabe u taaga ah oo lagu magacaabo Suldaan Maxamed Suldaan Axmed suldaan Cabdiraxmaan, sidoo kalena adeer u ah Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi Suldaan Cabdiraxmaan.
Lama ogga Saldhigga Ciidamada Guriga Suldaanka gelelefay, hase-yeeshee waxa markii Ciidamada booliska Saldhiga Degmada Ibraahin Koodbuur diiday inuu faro-geliyo xiisadda Ka dhex taagan Saldanadan. 
Waxana Ciidamada Saaka Guriga Suldaan Aadan u daatay la socday Wiilka uu adeerka u yahay ee saldanada inqilaabay, isla markaana waxka tirsanayey adeerkii Suldaan Aadan oo shalay Suuqa ku Bakooradeyey.
Si kastaba ha ahaatee, waxa maalin walbaa maalinta xigta kasii daraysa muraanka soo kala dhex galay qoyska reer Suldaan oo muddo 300 oo sanadood ah soo jirtay, hase yeeshee aan mar keliyaa lagu murmin, isla markaana suldaan Xilka Saldalada haya oo nool lagu qabsan, balse arrintaa waxa si weyn loogu xidhiidhiyaa inuu faraha kula jiro Musharraxa xisbiga Kulmiye oo taageero ka waayey Suldaanka xilka Saldalada haya, kaasoo la sheegay inuu isaggu soo abaabulay Caleemo saarka suldaankaa ku qabsaday Saldalada subeer awal Suldaankii xilka hayey, inkastoo uu fashilmay Inqilaabkaasi, haddan Waxa weli sii muuqda raadad muujinaaya inaanu Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi faraha ka qaadin weerarka Saldaladdaa faca weyn ee soo jireenka ahayd.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews