berberatoday.com
Somaliya : Al -Shabaab Oo Ku Hanjabtey In Ay Weeraro Ka Gaysan Doonto Goobo Ay Shaacisay
August 31, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Al-Shabaab ayaa markii u horeysay waxay ka hadashay qaadashada Kaadhadhka aqoonsiga ee bixintooda uu billaabay maamulka gobolka Banaadir, iyago uga digay shacabka inay qaataan kaadhaadhkaas oo ay ku tilmaameen kuwo la doonayo in shacabka lagu shirqoolo.

cali dheere

Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sh. Cali Dheere ayaa sheegay inay uga digayaan bulshada ku nool Muqdisho inay qaataan Kaadhka Aqoonsiga oo uu sheegay inay dhici karto inay dhibaatooyin uga yimaadaan.

“Waxaa shacabka Muqdisho ku nool iyo kuwa kalena u sheegaynaa inay inaysan ku kadmin oo ay ka fogaadaan meelaha kaadhadhka aqoonsiga lagu jaro, ujeeddooyinka laga leeyahay kaadhadhkan way fara badan yihiin waxaana ka mid ah in la ogaado xogta dadka muslimiinta ah si gaalada loogu gacan-geiyo,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray inay beegsan doonaan goobaha ay ka socdaan bixinta kaadhadhka Aqoonsiga, isagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka fogaadaan goobahaas.

Dhinaca kale, Sh. Cali Dheere ayaa ka hadlay Qaraxii Hoteelka SYL lala beegsaday, isagoo sheegay in hoteelka uu ahaa meel laga soo maleego sharka muslimiinta lagu waxyeelleeyo.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray n Hoteelka xilliga Qaraxa uu ka dhacayay ay ka socdeen shirar ay lahaayeen Wasiirrada iyo Xildhibaannada iyo Xubnaha Dowladda, uuna weerarku ahaa is-miidaaminta lagu dilay 40-meeyo ruux , halka dhaawaca uu 70-meeyo kale.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Ururka Al-shabaab, Sh. Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan Baararka iyo Hoteellada ku yaalla Muqdisho ee ay ku sugan yihiin Mas’uuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

B

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews