berberatoday.com
War Deg Deg Ah Kulankii Wasiirada Xukumada Iyo Shirkada DP World Ku Lahaayeen Dubai Oo Lagu Kala Kacay
August 31, 2016 - Written by Berbera Today

dppppDubai(Berberatoday.com)-War deg Deg ah oo hada naga soo gaadhay Dalka Isutaga imiraatka Carab gaar ahaan Magaalada dubai ayaa sheegaya in kulankii loo balansanaa in lagu xaqiijiyo wareejinta Dekeda Berbera ee shirkada DP World ee ka dhacaayay xarun ganacsiyeeda magaalada Dubai lagu kala kacay kadib markii shirkada DP World sheegtay in aanay ku kalsoonayn heshiiska ay Xukumada wada galeen ee qabyada ah iyaga oo ku sababeeyay dhawr arimood oo ay ugu weyntahay sidii loo xaqiijin lahaa cida amaanka shirakada iyo hawlwadeenadeeda sugaysa maadama oo aanay heshiiskan ogolaanin dadkii shacabka ahaa ee ilahay ku beeray deegaanka Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalad berbera ee ay Dekeda la kireynayaa ku taalo,

Sidoo kale waxa ay shirkada Dp World ku eedeysay Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo masuuliyiinteeda dabada ka riixaya heshiiskan in aanay daacad kawada ahayn in heshiiskani hirgalo lagana midha dhaliyo sidoo kale waxa ay Masuuliyiinta shirkada DP World soo bandhigeen qoraalo milyanis ah oo Emailka Contact shirkada lagu soo diray kuwaas oo ku qoran Afafka Englishka iyo Carabida macluumnaada ay qoraaladaasi xambaarsan yihiina yihiin kuwo shirkada loogu sheegayo in aanay dadka deegaanka iyo shacabka Somaliland toona ogolayn in shirkadani Dekeda Berbera maamusho mudo 30 sanadooda cid damaanad uqaadaysa shirkadana aanay jirin sidoo kale waxa qoraalada emailada lagu soo diray ee shirkadu ku doodayso in aanu heshiiskani uhirgalayn  kamid ah in Xukumada heshiiska lagashay iyo Golaha wakiilada ee ansixiyayba yihiin kuwo sharcidaro kuraasta ku fadhiya oo wakhtigii la doortay dhamaaday dastuurka iyo shuruucda dalka uyaalana aanay haba yaraatee ku oolon in dawlad wakhtigeedii dhamaaday heshii gali karto.

Kulankan lagu kala kacay ayaa waxa goob joog ka ahaa dhinaca Xukumada Somaliland Madaxweyne Kuxigeenka,Wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada, Qorsheynta Qranka, Arimaha Debeda,Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodog uyahay ee wakiilka U ah Somaliland. Maareyaha Dekeda Berbera Iyo Maayarka Degmada Berbera.halka ay dhinaca Shirkada DP World fadhiyeen masuuliyiinta ugu saraysa shirkadaas.

Warkan oo aanu ka helay ilo wareedyo ku dhawdhaw kulankaasi oo ku sugan dalka Isutaga imiraatka carab ayaa intaas ku daraya in kulankaasi fashil iyo is afgaran waa kusoo dhamaaday laguna soo kala kacay wasiiradii iyo masuuliyiintii arinkaas utagayna Dubai na ay maalinta Axada kasoo dagayaa garoonka diyaaradaha Hargeysa iyaga oo gacmo madhan ka taagan soo dhamaystirkii heshiiska Dekeda Berbera lagu wareejinaayay shirka DP World, waxaanay sadexda maalmood usii joohi doonaan  kulamo kale oo ay la qaadanayaan Masuuliyinta milatariga dalalka imiraatka iyo Masar oo danaynaya garoonka diyaaradaha Berbera si ay uga dhigtaan Saldhig ciidan oo ay kaga duulaan Jabhada Xuutiga ee dalka Yaman ka dagaalama.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews