Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Yasiin Faratoon ayaa waxaa u markii ugu horeysay ka hadley dagaal maalintii shalay aheyd deeganka ceel Afweyn ee gobalka Sanaag ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada degan
Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada qaranku ay kala dhex galeen labadaasi beelood isla markaana hada uu dagaalkii istaagay balse ay jirto dhimasho iyo dhawaac ka dhashey waxaana uu sheegay in ciidamada qaranka ii 1 askari kaga dhintey isla markaana uu 1 askari kaga dhaawacmey
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
Berberatoday.com