Ku lahaa xajka ayaa aan tagayaa! Oo xajka miyaa la qaribayaa? Xajkiisu waa tiro beelay, cimrona hadalkeedaba Daa”Qalinkii Maxamed Haaruun Biixi
September 1, 2016 - Written by Berbera Today
Ku lahaa xajka ayaa aan tagayaa! Oo xajka miyaa la qaribayaa? Xajkiisu waa tiro beelay, cimrona hadalkeeda ba dhaa! Ma ogi sababta u ugu waashay. Taloow ma in uu maalin kasta xaaraan iyo xoolo aanu lahayn oo xun, oo si xun ku soo galay cuno ayaa uu ogyahay? Itaal baaska malaha is daahiri baa uu is leeyahay? Maalintii iigu horaysay, iiguna dambaysay ee aan la kulmay, waa aan xasuustaa sidii uu uga kululaaday mar la soo qaaday wadanka in uu musuq ka jiro. Waxa uu yidhi – “Wax la musuqo ba wadanka ma yaalo. Dadku maxay isaga hadlaan uun?” Isaga oo sidaas yidhi, ayaa uu hadana daqiiqadii xigtay is buriyay. “Waar idinka ayaanba idiin dhiibaye, tusaale ahaan, anigu wasiir baa aan ahay, qoys balaadhan na waa aan leeyahay ee sidee mushahar iigu filnaan karaa? Caruurtayda tacliintooda oo keliya ma ku filna waxa ii qoran ee rasmiga ahi. Wadanka waxa yaala waa la iska wada cunaa uun ninba in uu ka gaadho ba, wax badani na ma yaalo.” Ayaa uu yidhi. Bal u fiirso – musuq iyo xatooyo ma jiraan, iyo hadii aan wax la xadin sidee loo noolaanayaa – ayaa uu isku meel ka yidhi! Weligay kaas wax ka doqonsan ma arkin. Isaga oo aan is dareemaynin baa uu is maax-dumiyay. Cimrooyinka iyo xajka uu sanadkii tago marka lla isku daro, wasaarad kharashkeed waa uu noqon lahaa, ama ugu yaraan cisbitaalka Hargeysa ee aan xaalkiisa ogahay ayaa ay wax badan u tari lahayd. Wadanka Nigeria la dhaho, oo ah wadanka ugu musuqqa badan aduunka oo dhan, dadka xilalka haya ee dhinaca Waqooyiga ee muslimka ah ka soo jeedaa waxa ay aaminsanyihiin in aad xadi kartid xoolaha dadwaynaha, lacago iskulo iyo wadooyin loo wado oo malaayiin ah baa u qof keliyi iska qaadanayaa, waxa uu na ku doodayaa in aan dhibaato jirin, maxaa yeelay, xajka uun baan hal mar tegayaa ayaa uu ku sheekaynayaa. No problem brother – ayaa ay kugu odhanayaan!