Mareykanka Oo Liiska Argagixiso Ku Daray Cabdiqaadir Muumin Oo Ah Hogaamiye Urur Xagjir
September 1, 2016 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey, ee amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka.