berberatoday.com
Burco”Masuuliyiin Katirsan Xisbiga Ucid Oo Faysal Cali Waraabe Dhawaan Magacaabay Oo Xilalkii Iskacasilay
September 2, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Waxaa maanta xisbiga mucaaridka ah ee UCID iska casilay Masuulyiintii ugu badneed isla markaana xilal Kale Duwan Ka Hayay Xisbigasi Ucid Ee Gobolka Togdheer waxaana xubnaha Xisbiga Ucid maanta iska casilay dhamaantood dhawaan magacaabay gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe.
Musuulyiintan ii ay tiradoodu aheyd 10 Xubnood ayaa waxaa ay shir jaraa’id oo ay ku shaacinayaan is casilaadooda ku qabteen Hotel City Plaza waxaana ay cadeeyen in maanta halkan ka cadeynayaan Inay Ka Dareeren Xisbiga Ucid Iskana Casileen Xilalkii Iyo Xubinimadii Xisbigaasi.
Masuuliyintani Is casilay U Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Ibraahim Aadan Xasan .
![m1](http://i0.wp.com/ilaysnews.com/wp-content/uploads/2016/09/m1.png?resize=500%2C281)
Masuuliyinta Iska Casilay Xisbiga Ucid Ayaa Waxa Ay Kale Yahiin.
1)Ibraahim Aadan Xasan Alaale Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer,
2)Mukhtaar Nadaara afhayeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer
3)Abdi Sugaal Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Ee Gobolka Togheer
4)Marwo Safiya Maxamed Cabdi Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer
5)Marwo Cawo Jamac Cabdi afhayeenka Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid Ee Togdheer
6)Xuseen Xaaji Cabdi Xoghayaha Abaabulka Degmada Burco Ee Xisbiga Ucid
7)Jamaal Cabdale Ismaciil Xoghayaha Garabka Dhalinyarada Ee Gobolka Togdheer
8) Naasir Aadan Xoghahaya Degmada Burco Ee Xisbiga Ucid
9) Abdirisaaq Xasan Jamac Xogahayaha Dhalinyarada Ee Degmada Burco
10) Salebaan Saciid Raygal Gudoomiyeha Dhalinyarada Gobbolka Togdheer
guud ahaan masuuliyiinta Xisbiga Ucid iskacasilay ayaa waxa dhamaantoo dhawaan magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe
![cadayn](http://berberatoday.net/wp-content/uploads/2016/09/cadayn.jpg)
Berberatoday.com
COMMENTS
|