berberatoday.com
“ Cadaawada Taariikhda Sh Bashiir Waxaa Wada Wasiirka Madaxtooyada oo Ah Kii Ehel Ugu Dhowaa “Yuusuf Cabdicasiis Sheekh Bashiir
September 2, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Yuusuf Cabdicasiis Sh BAshiir ayaa ka hadlay wareejinta Dugsiga Hoose dhexe ee Sh BAshiir Hargaysa oo ay Xukuumada Somaliland ku wareejisay Ganacsato ka dhisanaysa goobo ganacsi oo cusub Arintani waxaa uu ku eedeeyey Gudoomiye xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi kuwaasi oo uu ku sheegay inay Duulaan ku yihiin Baabi’inta Magaca Marxuumkaasi Mujaahidka ahaa ee Sh Bashiir Yuusuf Cabdicasiis Sh Bashiir oo Arimahaasi Ka Hadlayaana waxaa uu Yidhi Waxaan hore u ogayn inay Wasaarada waxbarashadu hore u wareejiyay Goobtii Hanuuninta ee Burco Maantana ay iibisay Wasaarada Waxbarashada Somaliland Dugsigii Sh Bashiir ee Hargaysa si ay u Baabiso iyadoo Ganacsato gacanta ka gelisay Sidaad u ogtihiin iskuulkii hoose dhexe ee sh bashiir ay dawladu iibisay inagoo og inay Somaliland ka cabato siyaad barre iyadoo kaga caban jirtay inay u gaystay xasuuq taasina ay kaliiftay goosashada Somaliland,Marka aad wax samaynaysona inaad waxba ku qaadan waydo wixii kusoo maray ,Dawladaas laga horyimina ee siyaad barena waa ay xusi jirtay Taariikhda ragii halganka u galay Xornimada,Taasi bedelkeedana waxaa ay Somaliland bilawday inay bilcakis baabiso Ragaasi Halganka soo galay Sidaa awgeed xukuumada Somaliland waxay tarto iska daaye waxaa ay meesha ka saarrtay iyadoo taariikhdii Somaliland laga soo bilaabay 1960kii oo keliya, Ragaasi oo ay ka mid ahaayeen Sh Bashiir,Faarax oomaar iyo Xaaji aadan Afqalooc,inay baabisay dhul badan oo ku magcawnaa oo qaarna ay iibisay qaarna ganacsato ku wareejisay sida iskuulka sh bashiir ee hargaysa ku yaala ee aan manta ka hadlayno inay Ganacsato ku wareejiso,waxaana arintani ka hawlgalay salaadiin iyo waxgarad kala duwan kuwaasi oo faramadhnaan amase hungo lagusoo diray oo ay kala soo laabtay,waxaa nasiib daro ah in cidii cid u xigtay Sh BAshiir ay tahay xukuumadan manta talada haysa,oo welibana cidii cid u xigtay Maanta looga Taag Layahay Taariikhda Sh Bashiir,Waxaa nasiib daro ah inuu siyaad Barre kaga Nasiib badnaa Ilaalinta Taariikhda Mujaahidiinta dhinaca Somaliland,Waa nasiib daro in cadaawad muujisay Dawlada Somaliland gaar ahaana Wasiirka Madaxtooyada oo six un ula dagaalamaysa Ehelada sh Bashiir Iyadoo dhiigayagii iyo Dheecaankaygii ku baxay Somaliland inay taasi nagu dhacdo,iyadoo siilaanyo uu isagoo wasiir ah ka Cawday Dawladii siyaad Barre isagoo ka cabanayay Cadaalad daro taasina ay keentay inuu kaynta Galo,oo injiri u gasho oo uu u dibjiro sidii uu Somaliland u samayn lahaa,Cadaalada daraduna waa tii uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Dagaalamay “ Sidoo kale waxaan u sheegayaa ina Yuusuf Gaandi inaanu soo jiidan Godob aanu lahayn oo ileen dawladu dhul may waayine Libareryga ka dhisto meelo kale

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews