berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo Baaq Nabadeed U Diray BeelAha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Deegaamada Ceel-afweyn
September 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-“..Taariikh: – 01/09/2015- WAR-SAXAAFADEED : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu baaqaasi ku yidhi “Nabadgelyada, is xaqdhawrka, wada noolaanshaha iyo degenaanshuhu waa tilmaamaha tolmoon ee lagu tilmaansado ummadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana aynu ku caanno maalnay muddo ka badan rubuc qarni. Nabadgelyadu waa aas-aaska jiritaanka qarannimadeena waana waajib inaynu dhammaanteenba ka wada shaqayno adkaynta nabadaiyo xasiloonida.
Sidaa darteed waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dhiig, dhalasho iyo dhaqanba wadaaga inay joojiyaan colaadda, dilka iyo dhiiga macno darrada u daadanaya. Dalkeena kama go’do maanta in dad inagaga dhinto dagaal aan loo baahnayn, wixii is maandhaaf ah ee jira ha lagu dhameeyo tubta aynu dhaqanka iyo caadada u lahayn ee ahaa wada xaajood, is afgarad iyo talo walaalnimo oo la isu tanaasulo.
Dagaal waxa ku dhinta wiil, walaal, hooyo, habaryar, eedo, seedi, soddog. soddoh iyo ehel ka kaleba ee dagaal dad kuma dhasho. Walaalayaal ha la joojiyo dagaalka iyo dhiiga aan inaga go’in ee dhexdeena ku daadanaya.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaa iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.
Ugu dambayna waxan ku celinayaa baaqaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo, waxanan si toosa ula hadlaya madaxdhaqameedka deegaamadaasi, waxgaradka iyo waayeelkaba inay ku dedaalaan sidii loo xakamayn lahaa colaadaasi, intaanay si fidin”.
 
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews