berberatoday.com
Suldaan WABAR Oo Colaaddii Buuraha AWDAL U Soo Raraya Waqooyiga Maroodi-jeex Iyo Ujeeddada Shir Ugaaska Samaroon Isugu Yeedhay Qurba-joogta Ka Talo-qaata
September 2, 2016 - Written by Berbera Today

Khataraha Amni daro ee ka dhalan Kara Abaabulka Suldaan Wabar Ka Bilaabay Warbaahinta Internet-ka, Haddii Xukuumaddu Dhayalsato

 

Otowa(Berberatoday.com)-Madax-dhaqameedka Beelaha GADABUURSI, ayaa Weedho Colaadeed oo aad u adag kaga hadlay Xaaladda Murugsan ee ka taagan Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex, ka dib markii Xukuumaddu ku dhawaaqday inay Diwaangelinta ka qabanayso Lixda Goobood ee Muddada dheer Xayirnaa.

Madax-dhaqameedka Samaroon oo ku doodaya Mulkiyadda Qaybo ka mid ah Lixda Goobood ee Xeebta Waqooyi ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa sheegay inay ka xigaan Dagaal, iyaga oo sheegay in faro-gelin lagu sameeyay Xuduudihii ay kala lahaayeen Lixda Goobood ee Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex.

Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble oo Shalay Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Otowa ee Dalka Kanada, ayaa iclaamiyey Shir deg-deg ah oo Madax-dhaqameedka iyo Bulshada Samaroon ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika isugu yimaaddaan, kaasi oo uu sheegay in lagaga wada hadlayo Xaaladaha ka soo kordhay Xeebta Waqooyi ee Gobolka Maroodi-jeex.

“Anigoo ah Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas dooddi, waxaan ka codsanayaa Salaadiinta, Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo dhammaan Shicib-weynaha Gada-buursi ee ku dhaqan Nawaaxiga Kanada inay bisha Sagaalaad Afarteeda iskugu yimaaddaan Shir ka dhici doona Magaalada Otowa, kaasi oo ku saabsan ama aynu kaga wada hadli doon Faro-gelin lagu sameeyay Xuduudihii Taariikhiga ahaa ee Gumaysigu ka tagay. Shirweynahaa waxaynu kaga wada hadlaynaa Arrimahaa ka soo cusboonaaday Dhulkii.”ayuu yidhi.

Suldaan Wabar oo hormood u ahaa Maleeshiyo-beeleed hore uga goostay Somaliland, isla-markaana qurbaha u dhoofay ka dib markii isaga iyo kooxdiisii Buuraha gashay siyaasad lagu kala jabiyey, ayaa isaguna Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Goob aanu sheegin wuxuu ku dhawaaqay Colaad ka dhan ah Somaliland, isagoo Dadka uu ka dhashay ee samaroonna ku dhiiri-geliyey inay Colaadda uu ku dhawaaqay la qaataan, “Adeerkan Dhulkan Labaatan Awoow baa noo soo difaacayey oo noogu soo dhimanayey. Oday baa yidhi..Rag hadduu Nagu Taamo jeeroo Badh ka taabo Tukan maayo Salaad, Tagi maayo xaj, oo Talin Maayo wax-san, aniguna taasaan taaganahay Maanta.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Lama qaadan karo Dhulka Samaroonka oo Kiiloo Mitir maqnaan maayo oo annaga ayaa dooneyna.”

Suldaan Wabar oo Dab ku sii shidaya khilaafka dhuleed ee ka taagan Xeebta Waqooyiga Maroodi-jeex, ayaa farriin u diray Madax-dhaqameedka AWDAL ee ku sugan Borama, “Odayaasha Calaacala waxaan leeyahay Calaacalka joojiya Go’aan baa la qaataaye. Dhallinyarada waxaan leeyahay Diyaar-garooba goorta aanu idiin yeedhno, Odayaashana waxaan leeyahay Dhib ma jirto oo annaga ayaa idin maqan, ”ayuu yidhi, isagoo khilaafka dhuleed ee Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex ku saleeyay wax ay u dhan yihiin Guud ahaan Dadka reer Somaliland ee ka soo jeeda Beesha Dhexe (Isaaq).

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews