“Haddii La Kala Qaado Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada, Waxa Hubaal Ah In Somaliland Dhaxalsiinayso In Faraha Laga Qaado” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile
September 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay wararka muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey ee sheegayey inay Xukuumadda iyo Beesha Calaamku isku maan dhaafsan yihiin qabsoomida Doorashooyinka, gaar ahaan Doorashada Wakiilada, oo la sheegay inay Xukuumaddu doonayso inay dib u dhigto, waxaanu xusay in haddii Doorashada Wakiiladu dib u dhacdo in Dimuqaadiyadii iyo kalsoonidii Beesha Calaamku meesha ka baxayso.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay lixda goobood ee Xukuumaddu sheegtay inay ka qabanayso Diiwaangelinta, waxaanu Xukuumaddda kula taliyey in aanay qori iyo xoog isticmaalin ee Siyaasad wax ku xaliso, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Beesha Caalamku Doorashooyin la kala qaado may ogolaan, haddii la kala qaado Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada waxa hubaal ah inuu Somaliland dhaxalsiinayo in faraha laga qaado, jadwalka ay Beesha Caalamku haystaana waa in labada Doorasho mar la wada qabto, Golahayagan Wakiilada ee qol ku raga ah, Xukuumaddan muddo dhaaftay iyo Guurtidan dhaxalka noqotay haddii isbedel ku iman waayo oo aan Doorashooyinka la qaban waxay dhaawac iyo guul daro ku tahay geedi socodkii Dumiqraadiyada Somaliland, Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinkuna wey ku dardaarmeen oo waxay leeyihiin Doorashooyinka waa in wakhtigoodii lagu qabtaa, Haddii ay Doorashooyinka la kala qaado waxay inagu keeni kartaa go’doon cusub,”.