berberatoday.com
War deg deg ah: Heshiiskii dekada Berbera oo gabi ahaanaba burburay iyo waftigii Somaliland oo dalka ku soo jeeda waa maxay sababtu?
September 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Dubai,(Berberatoday.com)- Waxa maanta lagu kala kacay heshiiskii dekada Berbera ee u dhaxeeyay DPWorld iyo xukumadda Siilaanyo, baryahanba waxa magaalada Dubai ku sugnaa wafti heer wasiiro ah oo ay wehelinayeen maayarka magaalada Berbera iyo gudoomiyaha cusub ee lagu bedelay Cali Xoor Xoor.

Kulankani maanta dhex maray xukumadda Siilaanyo iyo DPWorld oo ahaa in la soo af jaro qaybtii labaad ee heshiiska isla markaasina ay wasiir Samsam u soo diyaar garowday in jeegii xaqul qalimka ahaa iyada farta laga saaro ayaa maamulka shirkada DPWorld ay gabi ahaanba diideen heshiiskaasi, waxna ay warar hooso oo xaqiiq ahi sheegayaan in waftiga la waydiiyay xaga uu ka dhacay Cali Xoor-xoor oo ay u arkayeen in uu ahaa shaqsi mihiim ah, waxna ka garnaayay hawlaha dekada, taasi oo markii loo sheegay in la caydhiyay laguna eryay in uu is hortaagay heshiiska dekada ay madaxda shirkada DPWorld ay aad uga xanaaqday.

Gabo gabadii oo kulankaasi maanta lagu kala kacay sida ay qaran-news u sheegeen xubno ka mid ah waftigii maanta ee xaga Somaliland ka socday oo codsaday in aan la sheegin magaciisa, ayaa noo xaqiijiyay in shirkada DPWorld ay heshiiska dhamaystirkiisa ku xidhay in la sugo dhamaystirka heshiiskani tan iyo inta ay doorashadu dalka ka qabsoomayso, xaga ay aad uga qayliyeen waftiga ka socday xukumadda Siilaanyo gaadheena hadii aad saxeexi waydaan waxa aanu heshiis kale la gali doonaa shirkado kale, waxana loo xaqiijiyay in aan shirkadna ahayda danaynin heshiiskaasi dekada Berbera tan iyo inta ay ka qabsoomayso doorashada madaxweynaha ee Somaliland.

Heshiiskaasina waxa uu ku soo afjarmay kala kac, shirkada DPWorld-na waxa ay danynaysaa in dalka ay ka qabsoonto doorashao xor ah, waxana ay sheegeen oo ku adkaysteen in ay sugayaan ilaa inta ay doorashadu qabsoomayso.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews