berberatoday.com
“Cawil iyo Cali Waran-cadde Xilligii UDUB Si Gaar Ah Baanu Saaxiib U ahayn Laakiin [Immika] Caloosha Ayaan Wax Ugu Hayaa Oo Maalin Uu Odaygu [Siilaanyo] Na Wada Casuumay Ayay….”
September 4, 2016 - Written by Berbera Today

“Subaxii Uu Cawil Inqilaabka Dhigay Aniga Waa La I Xalaaleeyey, Oo Aabahay Oo Magaallada Ka Yimi Ba……”

“Saddexdayadaba [Cahdigii UDUB] Magacyo Ayaa Naloo Bixiyey Laakiin Wey Iga Xariifsannaadeen, Arrintaasna Waxan U Nisbeeyey Iyagoo Hargeysa Ku Dhashay” -Siciid Sulub Maxamed   

garxajisHargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md Siciid Sulub Maxamed, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey dhacdooyin xiiso badan oo soo kala dhex maray isaga iyo wasiirkii hore ee maaliyaddii xukuumaddii madaxweyne Rayaale Md Xuseen Cali Ducaale(cawil), haatanna la-taliye u ah madaxweyne Siilaanyo. Ex. Wasiir Siciid Sulu boo ka hadlayey madal lagu soo bandhigay diiwaan-taariikheed uu ku faro yaraystay Ambassador Cawil, ayaa dadkii madasha joogay uga sheekeeyey waxyaabaha uu ka xasuustoo saaxiibtinimo qaan gaadhay oo uu lasoo maray Ambassadorka, isagoo ugu horrayn si kaftan ku jiro bulshada ugu sheegay da’da inta badan qarsoon ee Ex. Wasiir Cawil, “Cawil wuu ka xanaaqaa laakiin maanta waan sheegayaaye Subaxii Cawil Inqilaabka dhigay aniga waa la I xalaaleeyey, waxana ay ahayd 1961-dii, anigoo guriga fadhiya ayuu aabahay oo magaalada kasooo noqday noo sheegay in idaacadda BBC-du sheegtay in inqilaabkaas fashilmay dhacay. Cawil markii aan arrintaas uga warramay muu jeclaysan sheekadaas.” Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed. Siciid Sulub oo sheekadiisa sii wata, ayaa sidoo kale markii ugu horraysay sharraxay sababta keentay inuu weli dibad-wareeg ka ahaado xukuumadda KULMIYE oo ay ku kulmeen qoorweynta xisbigii burburay ee UDUB, isagoo si gaar ah u dul joogsaday kulan xiiso badan oo uu la yeeshay madaxweyne Siilaanyo, waxana uu yidhi,“Cawil iyo Cali Waran-cadde si gaar ah baanu saaxiib ahayn oo magacyo-na waa naloo wada bixiyey xilligii UDUB oo raggii la wada eryan jirey baanu ahayn, laakiin nasiiib darro wey iga xariifsanaadeen  markii qoladii KULMIYE ee na wada eryan jirtey ay meesha timi, calooshaan wax ugu yara hayaayoo maalin uu odeygu(siilaanyo)na wada casuumay saddexdayada ayey meeshii dib iigaga hadheen anigana waxba iimay sheegin. Arrintaasna waxan u nisbeeyey dhaqanka badow oo aan kusoo koray iyo iyagoo Hargeysa ku dhashay oo iga ilbaxsanaa.”. Sheekada qisooyinka uu Ex. Wasiir Siciid Sulub ka sheegay saaxiibkii Ambassador Cawil, ayaa madasha si weyn u ruxday, iyadoo siyaasiyiin badan oo halkaas hadallo ka jeediyey hoosta ka xarriiqeen dhacdooyin kuwan lamid ah oo ay la soo mareen Ambassadoorka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews