berberatoday.com
Agsaasimaha Wasarada Cayaraha Masuul Gabay Xilkii Qaran oo Xabaalay Rajadii Dhalinyarada Somaliland iyo Sports’ka.
September 4, 2016 - Written by Berbera Today

Agaasimaha Wasaarada Cayaaraha Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye, oo Mudo Afar sano ah Wasaarada Cayaaraha Somaliland ka ahaa Agaasime Guud ayaa tan iyo markii loo magacaabay Wasaradaasi ay Dul hoganayanan Maamul xumo iyo Tayo la,aan Baahsan oo Fadhiid ka dhigtay Cayaaraha Sports,ka kala duwan ee Dalka Somalilandiyadoo uu Tahli waayay isku ururinta,is dhex galka iyo Dhiirigalinta dhalinyarada  reer Somaliland ee u baahan in loo jiheeyo dhinaca Cayaaraha.

dhabeeyedhabeeyedhabeeye

Sida laga wada warqabana Cayaarahu waxaa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan kobaca, Dhalinyaarada caafimaad ahaan jidh ahaan iyo maskax ahaan intaba iyo sidoo kale dhaqaale abuur Cayaaruhuna waxaa ay daawo iyo dabiib uga yihiin dhalinyarada Waxbyaabo

badan oo rajo beel iyo quus galin kara qofka da’yarta ah Dhalinyaradu hadii ay waayan amaba meesha ay ka baxdo Hanaan,Qorshe, iyo siyaasad hufan o lagu taaba galinayo kor u kaca Cayaaraha iyo ishexgalka bulshada waxaa Hubaal ah intaa badalkeeda ay soo baxaan amaba da’yartu noqoto oo ay isku rogaan qaar Cabudhsan oo Rajo beel iyo quusba ka qaadanDalka iyadoo sido kalena keeni karta cawaqib ah Tahriib,Balwado xun iyo waxyaabo kale oo halis ku ah dhalinyarada.

Marka laqiimeeyo Agaasimaha hada ee wasaarada Cayaaraha Somaliland intii uu joogay Wasaradaasi waa Waqtgii ugu Xumaa abid intay jirtay Somaliland ee soo mara Taariikhda Sport-tiga iyo dhalinyarada Somaliland, waxaanad mooda Agaasimahu inaanu garanayn shaqadiisii amaba uu ku mashquulsan yahay waxyaabe kale oo kabaxsan Cayaaraha iyo Xilkooda uu umada u hayo waxaana la mooda intii uu joogay in Bandoo lasaaray Xaggii caayaraha iyo Horumarintoodii iyo dhiirigalinta Sportiga.

“Ka Dar oo Dibi dhal hadana”

Geesta kale waxaa wax lala yaabo ah inuu Maxamed Dhabeeye iska daa Sporti iyo cayaaro uu wax ka qabto ama kor usoo qaadee inuu baryahan danbe faraha la galay Arimahii Reeraha cuqaasha iyo saladinta iyo dhaqanka u gaarka ahaa iyadoo ujeedooyin siyaasadeed oo u gaar ah uu ugu dhex milmay qaar kamid ah Madax dhaqameed beeshiisa iyadoo Xafiiskiisii uu umada iyo dhalinyarada ugu shaqayn lahaana uu Haawanayo had iyo jeer oo uu ka maqan yahay.

Run ahaantii waxaa in badan la saadalinayay oo guud ahaanba Dhalinyaarda Somaliland isha ku haysay isku shaandhayntii dhawaan uu soo saaray Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo iyadoo la filaayay in Masuulkan ka gaabiyey xilkiisii laga eryo shaqadan mala awaalka ah ee uu ku  magacaban yahay, Balse soomalida ayaa ku maahmadda “Nin Sigtay ma Nabad gelin” Masuuliyada darada iyo dhiiqada uu cagaha kula jiro Agaasimaha Cayaarahu  ee Daahir yaa shamiska ahwaxaa ay soo dadajin doontaa in xilkan Cayaarha iyo dhalinyarada ee Kufsaday dawgiisiina kasoo bixi waaaya ee uu ku magacaban yahay laga cadhiyo si qaranku u hello cid hanankarta waajibaadka uu dayacay.

Sabata oo ah Xilka qaranku waa Meerto oo maalinba ninkii u qalma waxqabad kalsooni iyo daacadnimana muujiya ayuunbaa loo dhiibaa, Qofkastana ama masuulkastana waxaa Taariikhda u gasha Maalmaha uu Umada u shaqaynaayo hadba waxii Wanaag ah iyo Xumaan ee uu ka shaqeeyo Agaasimaha Wasaarada Cayaraha iyo dhalinyarada Somaliland ee haatana ayaamahiisii xilku way soo idlaadeen oo waxaa muuqata lana dafiri karayn  Fashilaada ka muuqata Maxamed Dhabeeyey iyo Kalsooni daro iyo niyad jab baaxad wayna uu ku riday dhalinyardii.

 

FAALO, W/Q, MAWLIID MAXAMED SICIID

(M M S)

Hargeysa-Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews