berberatoday.com
Dhahar: Mucjisada Qoys 25 Cisho Weerar Dhagxaan Loo Adeesanayaa Ku Socdo, Sababta Iyo Culimo Ka Hadashay
September 4, 2016 - Written by Berbera Today

“Habeen iyo Maalin Weerarku wuu nagu socdaa, Adhiga Ooddaa laga qaadayaa, Cid ka qaadaysa ma aragno, Annagana dhagax baa nagu socda, wax tuurayana ma aragno, Culimadu Qur’aan bay akhriyayaan, waxna isma beddelin ee wuu sii batay weerarku..” Hooyo Fadxiya Xuseen Jaamac

Adhicadka(Berberatoday.com)-Qoys Xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaanka lagu magacaabo Adhi-cadka oo ka tirsan degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, isla markaana ka kooban Siddeed Carruur ah iyo labadooda Waalid, ayaa sheegay in muddo shan iyo labaatan cisho ah uu ku socday dagaal dhagax-tuur ah oo aanay garannaynin meesha laga soo tuurayo iyo cidda ku soo tuuraysa toona.

Dhibaatadda la soo gudboonaatay Qoyskan, ayaan ku ekayn dhagaxaanta lagu tuurayo oo keliya, hase-ahaatee,  waxaa intaa u dheer arrimo kale oo cabsi ku abuuray, sida in Adhiga Oodda laga qaado, Muuqal Qof oo kale ahi inuu u soo fadhiisto Ardaaga Dabka lagu shido iyo in dhaawacyo Madaxa ka soo gaadha qaar ka mid ah Ubadkoodda.

Hooyada Qoyskan weerarka lagu hayo oo lagu magacaabo Fadxiya Xuseen Jaamac, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA uga warrantay xaaladdan ay 25-ka maalmood iyo habeenba la deriska ahaayeen. “Markii hore habeen baa nala soo shiidi jiray, laakiin immika maalintii ayaa nala soo shiida oo waxaannu moodi jirnay Bani’aadamka Illaahay inuu na soo shiidayo, markii dambe wuxuu sameeyay isagoo bahal ah inuu meesha Dabka lagu shido ka Sanqadhiyo ama gargaraaco.” ayay tidhi Fadxiya.

Hooyo Fadxiya Xuseen, ayaa sheegtay in maalin iyo habeen aanay arki karin halka dhagaxu kaga soo dhacayo, oo haddii ay gurigooda galaan lagu weeraro, weelka cuntada iyo kabaha ay bixiyaan, waxaanay tidhi; “Gurigaad galaysaa oo meel walba awdan tahay, daah baad roganaysaa oo waxaad is odhanaysaa Gurigga sokadiisa ayuu ka soo dhacayaa oo waxa lagugu shiidaya weelka Guriga dhexdiisa yaalla, Kabihii baa lagula dhacayaa oo meel laga soo tuuray iyo qofkii soo tuuray midna ma arkayno, maalintii waxba arki mayno oo dhagaxaan baa nalala dhacayaa iyo Saalo Xoolad iyo wixii la helaba.”

“Dhaguxu wuxuu noogu dhacayaa maxaa kaa galay oo wuxuu dhaguxu nagu bilaabmay xilligii qadada oo Ciyaalka inta cunta loo dhigay la yidhi faraxasha, ayaa dhagaxaanta kuwooda ugu waawayni nagu bilaabmeen oo waxa dhagixii ku dhacay Inantayda, oo Gurigii waannu ka guurnay markii dhowr iyo toban cisho dhagaxaanta nalala dhacayay. Dabadeedna nagamuu hadhine wuu nagu sii siyaaday Shiidki.” Sidaa ayey tidhi Hooyo Fadxiya.

Hooyo Fadxiya oo wax laga weydiiyey waxa ay u malaynayso ama tuhunsan tahay sababta waxani ugu dhacayaan, waxay ku jawaabtay; “Meesha ay wax naga soo raaceen waxa weeye  meel ay Masacagalay (Afar-addinlay) ku jirtay oo la moodayay Abeeso ayay (Ciyaalku) intay dhagaxan qaadeen dhabarka wax ka gaadhsiiyeen, arrintaasi markii ay dhacaysay Salaad Casar baa la tukanayay oo Eedaankii Maqrib baa naloo yimi oo nalagu bilaabay Shiidka.”

Waxay Hooyo Fadxiya Xuseen intaas ku dartay oo ay sheegtay in toddobaadkii u dambeeyey ay Culimada deegaanka u yeedheen, isla markaana ay Qur’aan ku akhriyayaan, balse aan weli weerarkaasi ka joogsan ee uu u muuqdo mid sii xoogaysanaya.

Sheekh Cabdirashiid Jaamac Saalax oo ka mid ah Culimada u gurmaday reerkaas oo afar ka kooban, ayaa sheegay inay weli wadaan Qur’aankaas, isla markaana ay reerkaa haystaan dhibaatooyinkaa wax kasta lagu soo tuurayo, isagoo xusay in Dhagaxanta reerkaas lagu shiidayo qaarkood qoyan yihiin. Waxaanu sheegay inay ku rejo weyn yihiin inay Qur’aanka Allaah ku daweeyeen Qoyskan oo uu tilmaamay in dhibaatadan oo kale nooc Jinka ka mid ahi adeegsado inuu sidan oo kale dadka u dhibaateeyo. “Xataa Dhagaxanta Qoyskaa lagu shiidayaa waa kuwo Qoyan, waxoodii oo dhan waa la kala daadinayaa.” ayuu yidhi Sheekhu.

Sannadkii 2014-kii ayey ahayd markii Qoys deggan Koonfurta-Bari ee gobolka Sanaag, kuwaasoo Guriga kasta oo ay degaan ama loo dhisaa ku gubanayey, Xoolohoodiina iyagoo xaraysan xerada lagu gubayey, waxaana bilo ka dib u gurmaday Culimada gobolkaas oo Qur’aanka Kariimka ah ku Dabiibay Qoyskaas markii muddo dhibaato haysatay ka dib.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews