“Heshiiska Dekada Berbera Waxuu U Egyahay Mid Maalin Arbaca Goonyaad Ah Dhashay.. Awr Xamilkii Wuu Qaadaa Laakiin Xadhig Qaloocanse Ma Qaadee”Siyaasi Cali Kubad.
September 4, 2016 - Written by Berbera Today
“waxa reer Somaliland laga dhaadhiciyey inuu heshiisku yahay maalgashi ay DP world Somaliland gashaynayso, sidaas baa lagu soo marayey golihii wakiilada iyadoo loo adeegsadey dhaameel faro badan, oo ay si fool xun u gurteen xil-ma-dhibaanadu”.
“..Falsafad baa tidhaahda ‘ haddii uu geed meel kayn jiq ah ama hawd cidla ah, uu ku dhex dhaco oo ay xididadu u baxaan, oo aanay jirin cid maqlaysa dhicidiisa, geedka dhacay ma sameeyaa sanqadh? Hadaynu si kale u dhigno, ‘ wax ma jiri karaan haddii aanay cidiba dhaadeyn markuu falku dhacayey? Oo sanqadhi ma waxay sanqadh noqotaa marka la maqlo uun? Ama iyadoon waxba kuu sanqadhin, waxii dhacayey ma dareemi kartaa? Bal adba. Waxaan uga goleeyahay, waxa reer Somaliland laga dhaadhiciyey inuu heshiisku yahay maalgashi ay DP world Somaliland gashaynayso, sidaas baa lagu soo marayey golihii wakiilada iyadoo loo adeegsadey dhaameel faro badan, oo ay si fool xun u gurteen xil-ma-dhibaanadu. Hadaba Abaskuul meelna ma wada dego warna iskuma seeganee, waxa jirta in la wado siday DP world, ay heshiis kaas ugu soo qayb gelin lahayd Itoobiya, oo intii dadka reer Somaliland iyo golaha wakiiladaba loo sheegay waxaan ahayn dhexda lagaga sii darsado. Awr xamilkii wuu qaadaa laakiin xadhig qaloocanse ma qaadee, waxa loo baahan yahay inaan Somaliland la gelin meel cidhiidhi ah, oo aan heshiiskii labada dhinac ahaa (bilateral) laga dhigin heshiis magac-u-yaal ah oo saddex dhinacle ah (trilateral agreement), waayo dee sidaas kumuu soo dhaafin golaha wakiilada. Saamiyada la wareejin karo (transferable shares), oo isla iminkaba Itoobiya laga iibiyaa, dhibaatadeeda bay keeni kartaa marka laga eegayo dhinacyo badan. Haddii aynu Itoobiya heshiis la galeyno aynu Itoobiya si toos ula galno, laakiin yaanay Itoobiya innagu soo gelin iyagoo fardo farsamaysan ku soo dhuumanaysa (Trojan-horses).
Qaranimadu waa shay culus oo qaali ah, Boqortooyadii Roomaaniyiinta (dhalashadii Nebi Ciise ka hor) waxay ku duntey markii boqorkii ka talin jirey oo la odhan jirey Tarquin the proud, uu wiilkuu dhalay( oo la odhan jirey Sextus Tarquinius) kufsaday gabadh uu qabey nin madaxda sare ee boqortooyada u shaqeeysa ka mid ahaa oo la odhan jirey Collatinus. Gabadha la kufsaday oo la odhan jirey Lucretia, intay ninkeedii oo markaas magaalada Roma ka maqnaa iyo aabaheed oo magaalada joogey warqado u dirtay, bay ku tidhi isoo gaadha masiibo weyn baa dhacdaye. Markii ay u yimaadeen bay uga warantay sidii loo faro xumeeyey, ee Sextus ku yidhi ‘haddii aad idiido intaan madaxa seef kaaga gooyo, baan nin ka mid ah adoonta ku shaqaysana madax ka soo jarayaa, oo labadiina meyd is ag dhigayaa, oo dadka ku odhan doonaa iyagoo sineysanaya baan isku qabtay’. Markaas waxay tidhi Lucretia, anigoo naftayda u baqanaya baan sidaas isugu dhiibey; markay intaas tidhi bay mindi ay hoosta ku qarsaneysey la soo baxday oo ay hadalkeedii raacisay ‘ aniga sharafi iiguma hadhsana dunidane, ee idinka ayey idiin taalaa waxaad ka yeeli lahaydeen reer Boqor ‘, dabadeed mindidii bay wadnaha iska gelisey oo ay goobtiiba ku dhimatay. Nin goob joog ahaa oo la odhan jirey Brutus oo uu boqorku adeer u ahaa, boqorkana ay xurgufi dhextaaley, baa intuu mindidii ka soo saaray meydkii gabadha, la dhex maray magaalada Roma mindidii dhiiga lahayd isagoo dadkii u sheegaya mashaqada dhacday. Sidii buu kacdoon ku dhacay oo ay boqortooyadii ku dhacday. Waxaan sheekadan uga socdaa in kibirka iyo sharci jebintu ay hoog iyo jab ummadaha u horseedi karaan. Hadaba heshiis ka baxsan heshiiskii golaha wakiilada sida foosha xun loo soo mariyey, haddii wax laga sii bedelo, oo jidka dhexe Itoobiya tareenka laga soo saaro, waxay dhalin kartaa cawaaqib xumo iyo qaranimadeena oo halis gasha, waayo lama aqbali karo inay dad magaca xukuumada Somaliland ku shaqaysanayaa, inay iyagoo hanti raadis ah, ay si sharci daro ah Itoobiya heshiiskan ugu soo daraan.
Waxaan kusoo koobayaa, geedka kaynta dhexdeeda ku dhex dhacay, sanqadhiisu maaha wax muhiim ah in la maqlo, waayo dee geedkii dhacaba waa la arki doonaa iyadoo markuu dhacayeyba sanqadhiisa la maqleynin. Haddii heshiiskan lagu soo kordhiyo Itoobiya, waa la ogyahay shaqsiyaadka eedaas dumada ku qaadan doona, reer Somalilandna way yaqaaniin talaabada ay ka qaadi doonto, oo walaahay qudha iyo mid xun baa xigi, oo doqon milantay iyo geesi malafsi bartay bay miidaamo dhexdooda ka dhacdaa. Haweenay la kufsadey cadhadii ka kacday, baa boqortooyo ka mid ahayd kuwii adduunka ugu waaweynaa ee soo maray ay ku duntey, waabase heshiis Somaliland dhibaato uga keeni kara dhinaca dhaqaalaha, xasiloonida, iyo nabadaba, oo isla markaas mugdi gelin kara madax banaanideena iyo qaranima deenaba (sovereignty). Heshiiyada caalimiga ah waxa xumeeya labo arrimood: wax ku jirey heshiiska oo laga saaro iyo waxaan ku jirin oo lagu darro (Errors and omissions). Tolow hadaba waa iga kaftane, ma Habar Xabuushanimadii bay qaar naga mid ahi u qaateen inay Itoobiyaanku abtiyaal noo yihiin? Wax walba ka yaab. Raggan uu madaxweyne Siilaanyo cugtey waxaan kula talin lahaa, odayga iyo Somalilandba sumcad xumo ha u soo jiidina, oo haddii ay hunguri xumo idiin wado intaas aad ka heleysaan DP World imaansada, oo Ilaahay ka baqa, reer Somalilandna ka xishooda, oo u tudha dadkiina iyo dalkiinaba. Hadda ogaadoo, libaaxaba labo raqood oo isku xiga lagama wada kiciyo. Waar Ilaahay annaguu wax na tusay; waar qaranimadan curdinka ah ha nagu hor kufsannina ilmaadeerayaal, oo haddii aad Baarlamaankii ka adkaateen, ha u qaadanina inaad shacbigiina ka adkaateen oo hays biyo dhiijinina. Allahu ma Ballaqtu”.