Maxaad Ka Ogtahay Halista Dawada loo isticmaalo Suuxdinta?
September 4, 2016 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi Maraykanka ayaa shaacisay in tirada dadka u geeriyooday dawooyinka suuxdinta ay kor u sii kacayso, sababtuna ay tahay in had iyo jeer aanay dhakhaatiirtu u fiirsan qaabka ay u siinayaan qofka la suuxinayo iyaga oo marrarka qaar siiya in ka badan intii loogu tallo galay.
Dawada ugu muhiimsan ee dadka ku nool adduunka looga digay ayaa ah dawada loo isticmaalo suuxdinta ee magaceeda loo yaqaan Fitaaniil waxaana la sheegay inay suuqyada caalamka ku jirto dawadaasi iyada oo aanay aheyn noocii saxda ahaa islamarkaana ay tahay mid la soo kala dhantaalay oo awoodii ay lahayd laga kala dhimay.