berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Halista Dawada loo isticmaalo Suuxdinta?
September 4, 2016 - Written by Berbera Today

IrbadNew York(Berberatoday.com)-Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi Maraykanka ayaa shaacisay in tirada dadka u geeriyooday dawooyinka suuxdinta ay kor u sii kacayso, sababtuna ay tahay in had iyo jeer aanay dhakhaatiirtu u fiirsan qaabka ay u siinayaan qofka la suuxinayo iyaga oo marrarka qaar siiya in ka badan intii loogu tallo galay.

Dawada ugu muhiimsan ee dadka ku nool adduunka looga digay ayaa ah dawada loo isticmaalo suuxdinta ee magaceeda loo yaqaan Fitaaniil waxaana la sheegay inay suuqyada caalamka ku jirto dawadaasi iyada oo aanay aheyn noocii saxda ahaa islamarkaana ay tahay mid la soo kala dhantaalay oo awoodii ay lahayd laga kala dhimay.

Dawadan ayaa la ogaaday kaddib markii mid ka mid ah fannaaniinta dalkaasi maraykanka uu u geeriyooday dawadaa awgeed kaddib markii lagu suuxiyay, waxaana dib laga ogaaday in dawadaasi ay ahayd mid kala dhantaalan oo aan sax ahayn.

Dawadan ayaa ah mid la soo isticmaalayay tan iyo  lixdameeyadii iyada oo loo adeegsan jiray suuxdinta dadka la qalayo iyo waliba waxa  loo  isticmaalaa dadka iyagu qaba Kansarka oo ay xannuunka ka goyso.

Haddaba ka ganacsiga dawadan aan saxda ahayn ayaa waxa uu bilaabamay 2013kii  waxaana laga soo dhigay kinniin waxaana lagu soo daraa inta badan mukhaadaraadka nooca loo yaqaan Hiroowiinta, waxa aanay isla marka qofka bukaanka ah la siiyo ka abaartaa neefsashada taasoo sababta inuu qofkaasi geeriyoodo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews