War Deg Deg Ah”Laascaanod Iska Horimaad Dhex Maray Ciidamada Booliska Iyo Dadweyne Ka Gadoodsan Dadka Alshabaab Ku Laynayso Laascaanood Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay
   September 4, 2016 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
Laascanod(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya xarunta Gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ugu yaraan laba askari oo mid kamidi yahay dadka degaanka udhashay ay ku qudh baxeen ugu yaraana toddoba ruux oo kalena ku dhaawacmeen dagaal ka qarxay gudaha magaalada Laascaanood saaka.  Dagaalkan oo ka dhashay kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolku bixiyey amar amarkaas  oo ahaa inay xoog ku kala dareriyaan dad ka mudaharaadayey Dilalka qorshaysan ee ay Kooxda Alshabaab ka fuliso gudaha magaalada laascaanood markasta ee aan cidna loo qabanin islamarkaana ay ku dhamaadeen aqoonyahankii iyo waxgaradka Gobolkaasi Sool.