berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Laascaanod Iska Horimaad Dhex Maray Ciidamada Booliska Iyo Dadweyne Ka Gadoodsan Dadka Alshabaab Ku Laynayso Laascaanood Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay
September 4, 2016 - Written by Berbera Today

Laascanod(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya xarunta Gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ugu yaraan laba askari oo mid kamidi yahay dadka degaanka udhashay ay ku qudh baxeen ugu yaraana toddoba ruux oo kalena ku dhaawacmeen dagaal ka qarxay gudaha magaalada Laascaanood saaka.  Dagaalkan oo ka dhashay kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolku bixiyey amar amarkaas  oo ahaa inay xoog ku kala dareriyaan dad ka mudaharaadayey Dilalka qorshaysan ee ay Kooxda Alshabaab ka fuliso gudaha magaalada laascaanood markasta ee aan cidna loo qabanin islamarkaana ay ku dhamaadeen aqoonyahankii iyo waxgaradka Gobolkaasi Sool.

Waxaanay wararka aanu ka helay magaalada Laascaanood sheegayaan in askariga u dhashay degmada Laascaanood ee toogashadiisa ay rabashadu ka bilaabmeen uu amarka toogashadiisa bixiyay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Sool oo kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo(Biciido) kaas oo dhawaan uu wasiirka Madaxtooyadu amaray in loo magacaabo Qeybta Gobolka Sool, waxaanu warku intaas ku darayaa in askariga la toogtay ay toogasho toosa ku fuliyeen ciidanka ilaalada u ah Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Sool oo ka amar qaadanaya Taliyahooda.

Sidoo kale waxa ay dadka mudaharaaday ee ka gadoodsanaa askariga maanta toogashada lagu dilay waxa ay guben Saldhigii dhexee magaalada Laascaanood iyo goobo kale oo kamida xarumaha dawlada oo ay kamid yihii xaruntii komishanka doorashooyinka iyo sidoo kale gaadiid dawladu leedahay oo yaalay agagaarka xarumaha dawlada.

Taliyihii qeybta Booliska ee magaalada Laascaanood ee la sheegayo inuu dhacdadan abuuray ayaa loola soo baxsaday dhinaca magaalada caynaba ee xarunta Gobolka Saraar kadib markii amnigiisa looga baqay dadweynaha gadoodsan

Wararka hadda nagasoo gaadhayaa waxay tibaaxayaan in Ciidanka Qaranka ee uu Taliyaha ka yahay Kornayl Ina Canbaashe lagu amray inay la Wareegaan amaanka magaalada,  xiisadduna weli kacsantahay.

Halkan Hoose Ka Daawada Muuqaalka Mudaharaadka Ka dhacaya Magaalada Laascaanood

 

Wararka iyo sawiradii kacdoonkii maanta ee Laascaanood .

14224692_973408346100991_2539182457435579704_n

12345

 

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews