berberatoday.com
Dowladda Soomaaliya Oo Joojisay Duulimaadyadii Qaadka Ee Ka Imaan Jiray Dalka Kenya + Sababta
September 5, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay si  ku meel gaadh ah  u joojisay duulimaadyada qaadka ee ka imaan jiray dalka  Kenya laga bilaabo 6-da bisha September oo maalinta berri ku beegan

khadka

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa u sheegay in si K ku meel gaadh ah loo joojiyo duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya.

“Waxaan si ku meel   gaadh ah u joojinay duulimaadyada qaadka ee imaan jiray Soomaaliya, duruufo jira awgood, laga bilaabo 6-da bisha September”ayuu yidhi Wasiir Jangali oo ka gaabsaday sababta keentay arrintan.

Mr Jangali ayaa sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan sababaha keenay in si  ku meel gaadh ah loo joojiyo duulimaadyada Qaadka ee imaan jiray Soomaaliya.

Mar la weydiiyay inay xidhiidh  la leedahay joojinta Qaadka shirka Madaxeedka IGAD ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay, isagoo xusay in go’aankan uu saameynayo dhamaan magaalooyinka Soomaaliya, isla markaana cidii ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo.

Dadka siyaasada Somaliya falanqeeya ayaa waxaa ay sheegayaan in ay arintani timid markii dawlada Kenya ay  dhawaan sheegtay in qaadkeeda ay u  iib geyn doonto magaalada Hargeysa

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews