berberatoday.com
Fadeexadii Qarniga”Wasiir Kamida Wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilanyo Oo Hutel Berbera Kuyaala Ku Sarkhaamay Bastooladna Ku Weeraray Shaqaalihii Hutelka Iyo Dad Kaloo Ka Cuntaynaayay Oo Haweenay Aanu Qabin Hutelka Xoog Kula Galay
September 5, 2016 - Written by Berbera Today

baashe dBerbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo maalmihii udanbeeyay Berbera Ku Sugnaa ayaa caawa fal anshaxa iyo Masuuliyada ka baxsan ku kacay, waxaanu wasiirku isaga oo Sarkhaansan oo khamri cabsan uu Hutelka uu Magaalada ka daganaa oo ahaa Maansoor lagalay haweenay aanu qabin oo uu ka sinaysaanaayay isaga oo ciidamadii ilaalada ka ahaa Hutelka iyo shaqaalihii Hutelkaba Bastoolada ula baxay oo ku dhex eryaday Hutelka Gudihiisa kadib markii ay isku dayeen inay ka soosaaraan haweenayda uu sida sharcidarada ah Hutelka ula galay Wasiirku sidoo kale waxa uu si khasab ah uxidhay albaabka qolkii uu mka daganaa Hutelka waxaanay Maamulkii Hutelku islamarkiiba dacwad ka dhan ah wasiirka dhaqan xumada ku kacay ugudbiyeen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Taliyaha Qeybta Booliska oo goobta yimi iyaga oo ciidamo badan wata,

Wasiirka sarkhaasan ayaa loo maarayay waayay isaga oo hoosta ka xidhay qlka uu ku haystay haweenayda uu  sida xaaranta ah kaga sinaysanaayay isaga oo Masuul Qaran ah, sidoo kale waxa isna goob joog ahaa Maareyaha wakalaada Biyaha Berbera Keyd Cabdillahi Xandulle oo isku dayay in uu arinta xalilo balse dhamaan masuuliyiintaas wuu ka furiwaayay albaabka isaga oo caytamaya oo walibana ku hanjabayaa inuu tooganayo cidii iskudayda inay albaabka qolkiisa soo istagaan oo ka hadlaayan daaqada qolka isaga oo baastolada gacanta ku haysta.

Mudo saacado ah kadib ayaa Maamulka Hutelku qorshe kale keeneen waxaanay qolkii uu wasiirku kujiray ka jareen Laydhka iyo biyaha iyada oo xiliguna yahay xagaag cimilada Berbera aad ukulushahay waxaana aakhirkii suurta gashay inuu kulaylkii qolka ku jiri kariwaayo ama uu xamili waayo kadibna uu alabaabka furo sidaasna lagaga soo saaro hawenaydii uu ka sinaysanaayay oo aheyd hawenay da, ah oo aan la aqoonsan balse la sheegay markii la wareystay sheegtay inay ka timi Gobolada kale ee dalka balse aan kamid ahayn dadka ku dhaqan magaalada Berbera.

 Dhacdadan ayaa waxa iyaguna goob joog ka ahaa qaar kamida warbaahinta Madax banaan ee Gobolka Saaxil oo maqlay dhacdada foosha xun ee meesha ka dhacday sidaasna Goobta kutagay

Sikasta ha ahaatee waa dhaqan xumadii ugu weyneyd ee wasiir katirsan Xukumada Madaxweyne Siilanyo ku kaco iyada oo la sheegay in warkiisana ay gaadhsiiyeen Masuuliyiinta Gobolka iyo Boolisku Xukumada sare iyo Madaxtooyada lana amray in sidag dag ah looga soo saaro magaalada beri marka waagu baryo caawana hutelka lagu ilaaliyo sidoo kale waxa iyaguna iska tagay sadex askari oo ahaa ilaaladiisa kuwaas oo ka damqaday falka foosha xun ee uu ku kacay Wasiirku iyaga oo sheegay in aanay dib uraacayn wasiirka dhaqankiisu sidan yahay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews