berberatoday.com
Fadeexadii Qarniga”Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Ciidamada Taraafiga Uqaybiyey Istiikaro Lagu Xayaysiinaayo Shirkadiisa (So) Laguna Qarinaayo Direyskii Qaranka Iyo Ganacsigiisa Oo Xaalad Cakiran Galay, Doorkiisa Siyaasada Labada Dal…
September 5, 2016 - Written by Berbera Today
askari sogashoHargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda adeega Enternet-ka bixisa ee Somple ayaa Istiikaro lagu Xayeysiinaayo u qaybisay Qaar kamid ah Ciidamada Wadooyin ee Taraafiga loo yaqaano. 
Lama garanaayo sababta keentay inay shirkaddani dhaqaale ku bixiso in Ciidamada wadooyinka ee Taraafigu uu Dirayska Qaranka Somaliland dusha kaga dhejiyo Istiikar, isla markaana la istaago wadaada uu hagaha ka yahay isagoo Istiikar Shirkad ganacsi lagu xayeysiinaayo sita.
Hase-yeeshee Warar la xidhiidha dhacdadan waxa kalifay oo ay heshay shabakad Wararka ee Xogreebnews ayaa lagu sheegay hoos u dhac weyn oo lasoo dersay Shirkada Enternetka ee magaceeda loo soo gaabiyo (So), taasoo mulkiyadeeda lagu sheego inuu leeyahay ganacsadaha labada dal ee jabuuti iyo somalilandu dhashay ee Maxamed aw Siciid Geedi, kaasoo Xukuumadda Somaliland Kooto ugu xidhay inuu Adeegga Enternetka keligii keeno, isla markaana 2011-kii Baarlamaanka ay u ansixiyeen Xeer loogu kooteeyey, hase ahaatee, waxa uu ku fashilmay inuu dalka keeno adeeg lagu nasto oo xawli ka dhiga aalada Enternetka, waxana uu Enternetkiisu noqday ka ugu awooda yar ee dalka ka shaqeeya.
Ganacsade Maxamed Aw siciid oo dadbani ku xasuustaan inuu yahay Ganacsadaha Siyaasadda ku milmay ayaa hada ka werwersan tallaabo Xukuumadda Somaliland markii uu ku fashilmay inuu dalka keeno adeeg Enterner oo awood leh, iyaddu hada fasaxday oo shirkado kaloo shuraako ah u ogolaatay inay dalka keenaan xadhiga Vibert ee Enternetka.
Geesta kalena ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi ayaanay sidii hore isku ahayn Xukuumada Dalka Jabuuti oo ay hore isku milsanaayeen, hase-yeeshee mudadii Siyaasada Somaliland iyo tan jabuuti isku seegeen xidhiidhka Ganacsadaha dalka Jabuuti ka Mabnuuca ah ee Cabdiraxmaan boore, kaasoo qudhiisa lagu xidhiidhiiyey inuu gacan-saar la leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ganacsi ee Maxamed Aw siicid waxay hada naf mooday inuu Askartii qaranka ee Nabadgalyada wadooyinka u qaybiyo Istiikaro lagu xayeysiinaayo. La soco warbixino  kale.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews