Madaxweyne Siilanyo Saacadaha Soo Socda Safar Debedeed Ubixi Doona
September 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar xogogaal ah oo laga helaayo Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegaya in 48 saacadood ee soo socda Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) socdaal ugu bixi doono Dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xidhiidho mid caafimaad oo gaar u ah Madaxweynaha, waxaana magalada London ee dalka Ingiriiska laga dareemaya soo dhaweynta Madaxweynaha sidoo kale waxa iyana laga soo xigtay ehelada Madaxweyanaha inuu socdaalkaasi caafimaad ku iman doono dalka Ingiriiska.