Wadaaddo Reer Gaalkacayo Ah Oo Qarnigii 14aad Ee Hijriga Isku Haysta Qiblada Ay Dadweynaha Magaaladu U Tukanayaan
September 5, 2016 - Written by Berbera Today
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Magaalada Gaalkacayo ayaa salaadaha loo tukanayaa laba Qiblo oo kala duwan kadib markii uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay Cullimada Deegaankaas.
Khilaafka Cullimada oo salka ku haya Dhinaca Diinta, ayaa waxaa la sheegay inuu kala qaybiyay dadkii magaaladaasi ku noolaa, arrintaasi oo markii dambe gaadhay in shacab isku Masaajid ku tukanayaa laba Qiblo u kala jeedsadaan.