Xukumada Oo Warbaahinta Laaluushka Qaadata Marsatay War Waxba Kama Jiraan Oo Ku Saabsan Wareejinta Dekeda Berbera Iyo Heshiiskii Oo Wali Laalan Korna Loo Hayo
September 5, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Xubnaha Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale Isugu jira ee Madaxweyne Kuxigeenku ka midka yahay ee Magaalada dubai ujooga soo dhamsytirka heshiiska Dekeda Berbera lagu wareejinayo Shirkada DP World oo kadib markii ay ku hungoobeen damacoodii musuqmaasuqu hadheeyay ee shirkadiina ka diiday muhmalka ay doonayaan in ay kula heshiiyaan kuna soo qaataan shan iyo tobanka milyan ee xaqal qalinka ah ayaa waxa ay durbaba bilaaben inay war been abuura oo aan jirin soo mariyaaan warbaahinta laaluushka ku shaqaysa ee HCTV kamidka yahay oo ilaa xalay baahinaayay warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo sheegaya in maanta galinka danbe saxeexa lagu duugayo heshiiskii wareejinta Dekeda Berbera ee shirkada DP World.