berberatoday.com
Xukumada Oo Warbaahinta Laaluushka Qaadata Marsatay War Waxba Kama Jiraan Oo Ku Saabsan Wareejinta Dekeda Berbera Iyo Heshiiskii Oo Wali Laalan Korna Loo Hayo
September 5, 2016 - Written by Berbera Today

Morgan dubauiLondon(Berberatoday.com)-Xubnaha Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale Isugu jira ee Madaxweyne Kuxigeenku ka midka yahay ee Magaalada dubai ujooga soo dhamsytirka heshiiska Dekeda Berbera lagu wareejinayo Shirkada DP World oo kadib markii ay ku hungoobeen damacoodii musuqmaasuqu hadheeyay ee shirkadiina ka diiday muhmalka ay doonayaan in ay kula heshiiyaan kuna soo qaataan shan iyo tobanka milyan ee xaqal qalinka ah ayaa waxa ay durbaba bilaaben inay war been abuura oo aan jirin soo mariyaaan warbaahinta laaluushka ku shaqaysa ee HCTV kamidka yahay oo ilaa xalay baahinaayay warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo sheegaya in maanta galinka danbe saxeexa lagu duugayo heshiiskii wareejinta Dekeda Berbera ee shirkada DP World.

Warar xogogaal ah oo aanu ka helay ilo ku dhawdhaw xubnaha wasiirada ah iyo waliba shirkada DP World ayaa noo cadeeyay in aan heshiiskaasi sinaba ku hirgalayn oo shirkadiina dib uga gurtay kadib markii ay sababo dhawra oo is xambaarsan soo bandhigtay sidoo kale waxa iyana jira in Xubnaha wasiirada ah ee ay kamidka yihiin Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ka dalbadeen shirkada hadiiba heshiisku hirgalo in lasiiyo Contract-yo ay kamid yihiin Qalabaynta Dekeda Berbera oo wasiirada maaliyadu dalbatay in walaalkeed oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Aadan Qandaraas lagu siiyo qalab lagu eegi doono Koonteenarada Xidhan oo layidhaa Scan, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi ayaa isaguna waxa uu dalbaday in shirkada Ganacsiga ee Alxarbi oo kasoo jeeda beeshiisa islamarkaana uu shuraako la noqon doono la siiyo inay qaataan maamulka shaqaalaha Muruqmaalka ah ee Geelayaasha marakiibta hoostooda wax ka rara iyo kuwa Stavedronska loo yaqaan ee maraakiibta dushooda ka shaqeeya kuwaas oo la sheegay hadiiba heshiiskani hirgalo in shirkado Madax banaan la siin doono.

Baashe Morgan oo ah Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo Sodog Uyahay ee Wakiilka Somaliland ufadhiya ah dalka isutaga Imiraatka carabta ayaa isna dalbaday in lasiiyo Guud ahaan soo iibinta Qalabaynta Dekeda Berbera Xafiisyo iyo agabyada kale ee lagu shaqayn doono sidoo kale Waxa uu Baashe Morgan dalbaday oo shirkada ugudbiyay in uu leeyahay oo Dekeda uu ka shaqeeyo qalabkii beenta ahaa ee hore baarlamaanku ulaaleen isticmaalkiisa ee baabuurta tayadooda lagu eegi jiray mudada koobana ka sida sharcidarada ah uga shaqaynaayay Dekeda Berbera balse golaha wakiiladu laaleen meeshana laga saaray.

Dalabyada aynu soo sheegnay ayaa dhamaantood laga diiday masuuliyiinta waana kuwa keenay in heshiiska iyo dhamaystirkiisa ay shirkada DP World diido dibna udhigtao maadama oo ay Masuuliyiintii ka socday Xukumada Somaliland dano gaara oo shaqsiyeed ka dalabadeen shirkada taasina ay daaha uga rogtay shirkada Musuqa iyo wax iswaydaarinta ay hoostaa ku wataan Masuuliyiinta Qaran dhan umatalaya hantidii uu lahaa.

 Waxa kaloo isaguna faafinta wararka Been abuurka ah lacag ku qaatay imikana ku sugan dalka isutaga imiraatka carabta Mulkiilaha Tvga HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed oo waayadan danbe ku foogan sidii uu uga faraqabsan lahaa heshiiskaasi Xukumadu la galayso shirkada DP World isaga oo maalmihii uhoreeyay lawada ogaa sidii uu udhaliili jiray Heshiskaas kuna tilmaami jiray mid aan dalka iyo dadka toona dan u ahayn balse maanta utafa xaydan hirgalintiisa iyo faafinta barnaamijyo iyo warar aan jirin oo ku saabsab heshiiskaas oo uu lacago boqolaal kun oo dollar ah ku qaatay.

 

 

Berberatoday

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews