Xukuumadda Oo Ka Hadashay Cabashooyin Laga Muujiyey Hoos U Dhaca Ku Yimid Qiimaha Iibka Xoolaha
September 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoos u dhac aad balaadhan oo laga dareemayo Sicirka iibka xoolaha nool oo ah Laf-dhabarta dhaqaalaha Dalka, wakhti maalmo koobani ka hadhsan yihiin Ciidal Odxa.
Sanadihii ugu danbeeyey waxa hoos u dhac wayni ku yimid Guud ahaan suuqa kala iibsiga xoolaha Nool oo ay ka mid yihiin Adhiga, lo’da iyo Geela, waxaana dadka xoolo dhaqatada ah cabasho ka muujiyeen hoos u dhaca sicirka lagaga iibsanayo xoolahooda iyaga oo sheegay in qiimaha neefka adhiga laga siisto wakhtigan aanu baahidooda.